Wednesday, August 5, 2026
Ciidanka Booliska Puntland ee Gobolka Mudug ayaa sheegay in haweeney lagu magacaabo Hodan Maxamuud Diiriye, oo 34 jir ah ay qiratay dilka Saabiriin Saylaan Cabdulle, oo 14 jir ah. Eedeysanaha ayaa dhawaan gacanta lagu soo dhigay markii maydka gabadhaan xogteeda la helay, waxaana booliisku uu sheegay in la horgeyn doono...
Safaaradda Maraykanka ee Soomaaliya ayaa soo saartay digniin rasmi ah oo ku saabsan suurtaglnimada in kooxaha burcad internet-ka ay dhex-galeen nidaamka dal-ku-galka danabaysan (E-Visa) ee Dowladda Federaalka Soomaaliya. Safaaradda ayaa sheegtay in ilo kala duwan oo lagu kalsoon yahay ay 11-kii November 2025 xaqiijiyeen suurtagalnimada weerarka burcada, taas oo keentay...
Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), ayaa u diray baaq nabadeed oo degdeg ah oo ku socda bulshada ku dagaallamaysa degmada Wala-weyn ee gobolka Shabeellaha Hoose. Madaxweynaha ayaa ku tilmaamay rabshadaha toddobaadkii lasoo dhaafay ka dhacay Wala-weyn kuwa “aan la aqbali karin”, isaga oo ku adkeystay in...
Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya, Biixi Iimaan Cige, ayaa wareysi uu siiyay CNBC Carabiya ku sheegay in Soomaaliya ay gaartay horumar la taaban karo oo dhinaca dhaqaalaha ah sanadihii ugu dambeeyay, inkastoo ay jiraan caqabado cusub oo ka dhashay hoos u dhaca ku yimid caawimada horumarineed ee ay bixiyaan deeq-bixiyeyaasha waaweyn. Wasiirka...
Taliska Daraawiishta Jubbaland ee degmada Doolow ayaa soo saaray amarro cusub oo ku socda bulshada ku nool degmada iyo deegaannada ku hareeraysan, kuwaas oo lagu xoojinayo amniga iyo xasilloonida guud ee deegaanka. War-saxaafadeedka ka soo baxay taliska ayaa ka koobnaa qodobo dhowr ah sida in Gaadiidka ku shaqeeya beeselka La...
Qareen Kenyan ah oo lagu magacaabo Phoebe Okowa ayaa Arbacadii loo doortay garsoore ka tirsan Maxkamadda Caalamiga ah ee caddaaladda (ICJ), si ay u buuxiso booskii uu banneeyay Abdulqawi Yusuf oo u dhashay Soomaaliya, kaas oo iscasilay isagoo xilka ka degay 30-kii Sebteembar. Okowa waxay shaqada hayn doontaa inta ka...
Dowladda Boqortooyada Ingiriiska (UK) ayaa soo saartay warbixin cusub oo ku saabsan socdaalka Soomaaliya, taas oo ay muwaadiniinteeda ku wargelisay inay qaataan dal-ku-galka danabaysan ee Soomaaliya oo Somaliland ku jirto lakiin marka ay u socdaan magaalada Hargeysa looga baahanaan karo in ay markale garoonka ka qataan dal-ku-galka Somaliland, halka...
Madaxweynihii hore ee dowlada Fedaraalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Maxamed Farmaajo ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho, kadib mudo sanado ah oo uu dalka ka maqna. Farmaajo ayaa waxaa si diiran ugu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho Xildhibaano, siyaasiyiin iyo qaybaha kala duwan ee bulshada...
Taliyaha qeybta guud ee ciidanka Booliska gobolka Banaadir Mahdi Cumar Muumin  ayaa guddoomiyay shirka toddobaadlaha ee amniga magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.. Shirka oo ka qabsoomay xarunta taliska guud ee Booliiska gobolka ayaa waxaa ka qeyb galay taliyeyaasha Saldhigyada degmooyinka gobolka Banaadir iyo saraakiisha sare ee ka howl gala gudaha...
Raysal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa maanta kulan gaar ah kula yeeshay Xafiiskiisa magaalada Muqdisho Safiirka dowladda Jarmalka u fadhiya Soomaaliya Sebastian Groth. War kasoo baxay Xafiiska Raysal wasaare Xamse ayaa lagu sheegay in kulanka diirada lagu saaray xoojinta xiriirka iyo iskaashiga u dhexeeya labada dal ee...