Sida Lala Socdo Waxaa Dhamaadkii Sanadkii hore ee 25/12/ 2025 Magaalada Muqdisho Ka Dhacay Doorashada Golayaasha Deegaanka Degmooyinka Gobolka Banaadir oo ay Ka Qeyb Galeen ilaa Labaatan 20′ Urur Siyaasadeed oo Ka Diiwaan gashann Gudiga Madaxa-bannaan ee Doorrashooyinka iyo Soohdimaha Qaranka.
Ururadan oo Muujiyey Dadaal iyo Talaabo Dadweynuhu Aad ugu Farxeen ayaa noqonaya kuwo Daahfuray waxa Loogu Yeero Doorsho Qof iyo Cod ee Golayaasha Deegaanka Degmooyinka Gobolka Banaadir iyadoo lagu Soo Doortay 390 Xildhibaano Gole Deegaan ee16 degmo ee Gobolkan Banaadir kuwaas oo ilaa Hada aaney Xildhibaanadii La Soo Doortay Marin Hanaanka Dhaarta iyo in ay Hawladahooda Guda Galaan taas oo laga Sugayo Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Dib u heshiisiinta oo hawshaas ku Shaqo leh.
Ururadan ayaa Diyaar Garow ugu Jira in Mar kale ay ku Tartamaan Xubnaha Golaha Caasimada ama Barlamaanka Gobolka Banaadir Si marka ay soo baxaan u Doortaan Duqa Magaalada Muqdisho.
Ururadann ayaa waxaa Kamid ah Ururka SINCAD oo Doorasho ka Soo Galay Degmooyinka Maamul Goboleedka Puntland iyadoo Gudoomiyaha Ururka SINCAD Maxamuud Xuseen Jabiye’ uu Sheegay in ay ku Guuleysteen Golayaasha Deegaan Degmo ilaa 13 Degmo oo Maamulka Puntland kamid ah uuna ku Faraxsan yahay in Degmooyinka Gobolka Banaadirna ay ka Heleen ilaa 26 Xildhibaan oo Golayaasha Deegaanka Degmooyinka ah.
La Soco Dhawaan Waxaa Soo Bixi Doona Buug lagu Magacaabbo ‘Somali Election Magazine’ oo lagu Soo Daabici Doono Taariikhda iyo Aqoontiisa Waxbarasho Gudoomiyaha Ururka SINCAD Maxamuud Jabiye iyo Sida Ururkiisu ku Gaaray Heerkaas.
FILO DHAWAAN INSHA ALLAAH.












