Heshiis Is Afgarad La Xiriira Isgaarsiinta Electronic ga ah oo ay Kala Saxiixdeen Turkiga iyo Soomaaliya.

0
550

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka  iyo Hay’adda Teknolojiyadda iyo Isgaarsiinta ee Jamhuuriyadda Turkiye ayaa saxiixay Heshiis Is-Afgarad (MoU) oo lagu xoojinayo iskaashiga labada dhinac ee dhinaca isgaarsiinta elektaroonigga ah.

Heshiiskan, Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Turkiye waxay iska kaashan doonaan dhinacyada ay wada daneynayaan, kuwaas oo ay ka mid yihiin nidaaminta isgaarsiinta dayax-gacmeedka, amniga saaybarka, maareynta hirarka, hirgelinta kaabeyaasha internet-ka baahsan (broadband), amniga iyo adkaysiga shabakadaha iyo adeegyada isgaarsiinta, nidaaminta internet-ka, iyo qoddobo kale oo nidaamineed oo la xiriira isgaarsiinta elektaroonigga ah.

Heshiiska Is-Afgaradka waxaa xarunta dhexe ee Hay’adda Teknolojiyadda iyo Isgaarsiinta Turkiye ee Ankara, ku saxiixay  Mustafa Yaasin Sheikh, Maareeyaha Guud ee Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka ee Soomaaliya, iyo Omer Abdullah Karagözoğlu, Guddoomiyaha Hay’adda Teknolojiyadda Macluumaadka iyo Isgaarsiinta ee Jamhuuriyadda Turkiye.

Isagoo ka hadlaya heshiiska is-afgaradka, Ömer Abdullah Karagözoğlu wuxuu yiri: “Annagoo u marayna iskaashigan, waxaan kor u qaadaynaa is-weydaarsiga aqoonta, khibradda nidaamin, si kor loogu qaado qeybaha isgaarsiinta ee mustaqbalka fog ee labada dal ee Turkiye iyo Soomaaliya.”

Dhankiisa, Mustafa Yaasiin Sheekh ayaa ka hadlay muhiimadda heshiiska, isagoo xusay: “Heshiiskani wuxuu xoojinayaa wada-shaqeynta hay’adeed ee u dhexeysa Hay’adda Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Hay’adda Teknolojiyadda iyo Isgaarsiinta ee Turkiye, wuxuuna taageerayaa dhisidda awoodda shaqaalaha, is-weydaarsiga aqoonta, iyo horumarinta qaab-dhismeedka nidaamin oo wax ku ool ah, taas oo ka qeyb qaadan doonta kobaca iyo casriyeynta qeybaha isgaarsiinta dalkeena.”

Kaddib saxiixa heshiiska, Maareeyaha Guud iyo wafdiga uu hoggaaminayo waxay la yeesheen kulammo gaar ah Hay’adda Teknolojiyadda iyo Isgaarsiinta Turkiye iyo xarumo kale oo hoos yimaada, iyagoo ka qeybqaatay wadahadallo farsamo, aqoon-isweydaarsi, iyo wadaagis khibradeed oo la xiriira hab-dhaqannada nidaamineed, amniga saaybarka, ilaalinta macaamiisha, iyo hab-maamulka internet-ka.