Guddoomiyaha Golaha Shacabka Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa ku dhawaaqay in muddo hal sano ah lagu kordhiyay xil-haynta hay’adaha dowladda, kadib markii la meel mariyay dastuur cusub oo dhigaya in muddo-xileedka hay’adaha dowladda uu noqdo shan sano.
Aadan Madoobe ayaa sheegay in baarlamaanka iyo hay’adaha kale ee dowladda ay...
Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay António Guterres ayaa u magacaabay diblomaasiga Mareykanka James Swan inuu noqdo Ergeyga Gaarka ah ee u qaabilsan Hawlgalka Xasilinta Qaramada Midoobay ee dalka Democratic Republic of the Congo.
War-saxaafadeed kasoo baxay Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in James Swan uu hoggaamin doono howlgalka Qaramada Midoobay...
Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa, kaas oo diiradda lagu saaray xaaladda amniga dalka, gurmadka abaaraha, hawlgallada ay ciidamada xoogga dalka ka wadaan deegaannada ay weli ku sugan yihiin kooxaha argagixisada, iyo qorshayaasha lagu casriyeynayo nidaamka dowladnimada.
Kulanka oo uu shir-guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka...
Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku dhawaaqay in Soomaaliya ay si rasmi ah uga baxday marxaladdii dastuurka ku-meelgaarka ahayd, kaddib markii la dhammaystiray dastuurka qaranka.
Khudbad uu jeediyay, madaxweynuhu wuxuu sheegay in Soomaaliya muddo dheer ku jirtay nidaam ku-meelgaar ah oo ku dhisnaa dastuur ku-meelgaar ah, balse maanta la soo...
Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, ayaa digniin adag u diray hoggaanka Eriteriya, isaga oo sheegay in dalkiisu aanu mar kale oggolaan doonin isku day kasta oo waxyeello loogu geysanayo shacabka Itoobiya.
Abiy oo waraysi ku bixiyay afka Tigrinya, kana hadlayay dagaalkii Tigray, ayaa si kulul u cambaareeyay falal uu ku...
Xiisadda ka taagan Bariga Dhexe ayaa si weyn u cirka iskugy sii shareertay, kaddib markii taliska dhexe ee ciidamada Maraykanka ee United States Central Command (CENTCOM) uu shaaciyay in ay weerareen ama quusiyeen in ka badan 20 markab oo ay leeyihiin ciidamada badda Iiraan.
War-saxaafadeedka kasoo baxay taliskaasi ayaa lagu...
Xildhibaanada iyo Senatorrada labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa kulan wadajir ah ku ansixiyey Dastuurka cusub ee dalka.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), oo shir guddoominayey kulanka, ayaa ku dhawaaqay in 222 xubnood ay oggolaadeen dastuurka, kuwaas oo kala ahaa 185 xildhibaan oo Golaha Shacabka ah iyo...
Afar carruur ah ayaa ku naf waayay qarax ka dhacay koonfurta dalka Jabuuti, oo masuuliyiinta dowladu ay sheegeen in la tuhunsanyahay in ay fulisay diyaarad aan duuliye lahayn, sida ay warisay Addis Standard oo xiganaya AFP.
Xeer-ilaaliyaha guud ee Jabuuti, Xasan Maxamed Xasan, ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay...
Labo wasiir oo ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, isla markaana ah xildhibaano ka tirsan Aqalka Hoose ee laga soo doorto Puntland, ayaa ku dhawaaqay inay iska casileen xilalkii ay ka hayeen dowladda, iyaga oo ku sababeeyay khilaaf la xiriira wax-ka-beddelka Dastuurka iyo sida loo maamulayo dowladnimada dalka.
Mid ka mid...
ska Soomaaliya ayaa xalay sheegay in Axmed Hurre, la-taliyaha sare ee Madaxweynaha Puntland, la xiray, iyadoo lagu tuhunsan yahay in uu ku lug leeyahay falal amni-darro ah.
Sida xoguhu sheegayaan, Hurre waxaa laga xiray hotel Airport ee magaalada Muqdisho xilli uu kulan la lahaa dhowr ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka...


















