Monday, August 3, 2026
Gantaal ballistik ah oo laga soo tuuray dalka Iran kuna sii jeeday Turkiga ayaa la soo riday ka hor inta aanu gaadhin badhtilmaameedkiisa, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta Turkiga. Sida lagu daabacay warbixin ay qortay TRT World, nidaamyada difaaca hawada ee xulafada NATO ayaa gantaalka qabtay oo burburiyay isaga oo...
Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray ku sheegay in ay si weyn uga walaacsan yihiin suurtagalnimada dib-u-dhac ku yimaada doorashooyinka dalka, kuwaas oo la filayo inay qabsoomaan marka ay dhammaadaan muddo xileedyada hay’adaha federaalka. Goluhu wuxuu xusay in sida ku cad Dastuurka Ku-Meel-Gaarka ah ee Soomaaliya ee 2012,...
Samira Gaid oo ah falanqeeye arrimaha amniga oo ka tirsan hay’adda Balqiis, ayaa sheegtay in aysan kala caddayn sida isbeddellada dastuurka uu u saameyn doono siyaasadda dalka ama muddo xileedka madaxweynaha ee haatan. Samira, oo la hadashay wakaaladda wararka Reuters, ayaa sheegtay in madaxweyne Hassan Sheikh uu ka taxaddarayo in...
In ka badan nus milyan qof ayaa ku barakacay dalka Lubnaan kadib markii ay dib u qarxeen dagaallada u dhexeeya Israa'iil iyo ururka Hezbollah, xilli colaadda gobolka ay sii xoogaysanayso kadib dagaalka ay Mareykanka iyo Israa'iil kula jiraan Iran. Sida ay sheegtay warbaahinta Al Jazeera, Wasiirka Arrimaha Bulshada ee Lubnaan...
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Hassan Sheikh Mohamud ayaa maanta saxiixay dastuurka cusub ee dalka, kaddib markii 4-tii Maarso ay ansixiyeen labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya. Munaasabadda saxiixa oo ka dhacday madaxtooyada, halkaas oo ay ku sugnaayeen guddoonka labada aqal, ayuu madaxweynuhu ku sheegay in tallaabadan ay dhammaystirayso marxalad muhiim ah...
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda  Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta si rasmi ah xarigga uga jaray Xarunta Qaran ee Amniga Saaybarka, taasoo loo dhisay si looga jawaabo xaaladaha degdegga ah ee khataraha amniga isgaarsiinta iyo weerarrada saaybarka. Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay in furitaanka xaruntan ay muhiimad weyn u leedahay amniga qaranka,...
Weerarro cusub oo ay si wadajir ah u fuliyeen Israa'iil iyo Mareykanka ayaa lagu garaacay xarumaha kaydinta shidaalka iyo warshado sifeya saliidda ee ku yaalla caasimadda Iran ee Tehran, taas oo sababtay dab waaweyn oo ka kacay qaybo ka mid ah magaalada. Weerarradan ayaa noqday kuwii ugu horreeyay ee...
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa gaaray magaalada Arusha ee dalka Tanzania, halkaas oo uu kaga qayb galayo Meertada 25-aad ee Shir madaxeedka sanadlaha ah ee Madaxda Ururka Bulshada Bariga Afrika (EAC). Sida ay sheegtay madaxtooyada Soomaaliya, Madaxweyne Xasan Sheikh ayaa kulanka ka jeedin doona khudbad diiradda lagu...
Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa sheegay in uuna jiri doonin wax wadahadal ah oo lagu soo afjarayo dagaalka Bariga Dhexe ilaa ay Iiraan si shuruud la’aan ah isu dhiibto. Iiraan ayaa dhankeeda sheegtay in ay diyaar u tahay in ay is difaacdo, xilli dagaalka u dhexeeya Mareykanka, Israa’iil iyo...
Sida ay tebiyeen warbaahinta Masar, kulanka xiriirka taleefanka ah ayaa dhex maray Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Masar, Badr Abdel Aty, iyo dhiggiisa Mareykanka Marco Rubio, kuwaa oo diiradda lagu saaray arrimaha Soomaaliya iyo xasilloonida Geeska Afrika. Wasiirka Masar ayaa ku adkeystay taageerada xukuumaddiisa ee ilaalinta madax-bannaanida iyo xasilloonida Soomaaliya, isagoo...