Monday, August 3, 2026
Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya, Daahir Shire Maxamed, ayaa ka halday kulan heegay in dowladda Federaalka ay kulan kula qaadatay mas’uuliyiin ka socday dowladda Maraykanka iyo maalgashadayaal daneynaya shidaalka iyo macdanta dalka, si loo xoojiyo iskaashi ku aaddan ka faa’iidaysiga kheyraadka dabiiciga ah. Kulanka oo ka dhacay magaalada Muqdisho, ayaa...
Weerar ay fuliyeen laba diyaaradood oo aan duuliye lahayn (drones) ayaa aroornimadii Talaadada lagu qaaday safaaradda Mareykanka ee ku taalla magaalada Riyadh ee caasimadda Sacuudiga, sida ay shaacisay wasaaradda difaaca ee Boqortooyada Sacuudiga. Weerarkaasi ayaa sababay dab iyo burbur soo gaadhay safaarada. Afhayeenka Wasaaradda Difaaca Sacuudiga ayaa sheegay in qiimeyn...
Mas’uul sare oo ka tirsan Iran oo lagu magacaabo Cali Lariijaani, ayaa si cad u sheegay in dalkiisu “aanu la xaajoon doonin Mareykanka,” xilli dagaalka u dhexeeya Iran, Mareykanka iyo Israa'iil uu sii xoogeysanayo. Qoraal uu ku baahiyay baraha bulshada ayuu Lariijaani ku eedeeyay Madaxweyne Donald Trump inuu gobolka...
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa billowday hirgelinta shuruud cusub oo ku waajibinaysa muwaadiniinta in ay haystaan Kaarka Aqoonsiga Qaranka marka ay ku safrayaan duulimaadyada gudaha dalka, tallaabadan ayaa la sheegay in ay qeyb ka tahay dadaallada lagu adkeynayo amniga isla markaana lagu hagaajinayo habraacyada safarka. Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya ayaa...
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku hanjabay inuu “ka aargoosan doono” dilka saddex askari oo Mareykan ah oo ku dhintay howlgalka militari ee ka socda gudaha Iiraan, isaga oo caddeeyay in howlgallada dagaal ee bilaabmay Sabtidii ay sii socon doonaan. Trump ayaa farriintan ku shaaciyay muuqaal hore loo duubay...
Shirkadda shidaalka qaranka ee Saudi Aramco oo laga leeyahay Sacuudi Carabiya, ayaa si ku meel gaadh ah u hakisay hawlihii sifaynta saliidda ee Ras Tanura, kaddib markii weerar ay ku qaadeen diyaarado aan duuliye lahayn oo laga leeyahay Iran. Ras Tanura waa mid ka mid ah xarumaha ugu muhiimsan...
Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada ee Puntland ayaa ku dhawaaqday inay shaqada ka joojisay shirkadda duulimaadyada ee Daallo Airlines ee dhammaan garoomada ku yaalla deegaannada Puntland. Qoraal ka soo baxay wasaaradda ayaa lagu sheegay in shirkadda Daallo laga laalay ruqsaddii duulimaad, kaddib markii, sida lagu eedeeyay, ay laba jeer khatar...
Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jumhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay si adag u cambaareyneyso weerarrada iyo faragelinta hubeysan ee ka yimaadda Dalkasta oo shisheeye, gaar ahaan dagaallada iyo duqeymaha ay Iiraan ku beegsatay dhowr dal oo Carbeed. Bayaanka kasoo baxay Wasaaradda ayaa lagu sheegay in Weerarradan...
Ugu yaraan sagaal qof ayaa ku geeriyooday rabshado culus oo ka dhacay meel u dhow Qunsuliyadda Maraykanka ee magaalada Karachi ee Pakistan, kaddib mudaharaadyo xooggan oo ka dhashay dilka hoggaamiyihii sare ee Iran, Ayatollah Cali Khamenei. Sida ay baahisay Al Jazeera, boqolaal qof oo taageerayaal u ahaa Iran ayaa saacadihii...
Hoggaamiyihii awoodda badnaa ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan, Ayatollah Ali Khamenei, ayaa ku geeriyooday shalay Saabtidii 28 February 2026, kaddib weerar cirka ah oo lala beegsaday magaalada Tehran, sida ay wararku sheegeen. Geeridiisa ayaa timid kadib weeraro cirka ah oo ay gurigiisa la beegsadeen isbahaysiga Mareykanka iyo Israa’iil. Cali...