Xukuumadda Turkiga ayaa si rasmi ah goor-dhaw ugu dhawaaqday in lasoo afjaray Afgambigii dhicisoobay ee dalkaas ka dhacay, iyadoo hawl-gallo la sameeyay lagu Qab-qabtay Kumannaan sarkaal oo ka tirsan Millateriga dalkaas.
Madaxweynaha Dalka Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ayaa sheegay in Af-gabigaan uu ku lug lahaa wadaadka Musaafuriska ku maqan ee...
Gudi gaar ah oo loo saaray inay kasoo talo-bixiyaan xiliga la qabanayo Munaasabada Caleemo-saarka Ugaas Xasan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble ayaa kulamo ay Magaalada Beledweyne ku yeesheen kaddib, waxay ugu dambeyn maanta ku dhawaaqeen waqtiga uu dhici doono Caleemo-saarka Ugaaska.
Guddiga oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in 25ka bishan...
IXS/GF/015/16 16/07/2016
WAR SAXAFAADEED .
Isbaheysiga Xisbiyadu shir aan caadi aheyn oo uu isugu yimid maanta oo ay taariikhdu tahey 16/07/16...
Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta gaaray Magaalada Kigali ee Caasimadda Dalka Rwanda, halkaasoo uu kaga qeybgalayo shir-madaxeedkii 27-aad ee Midowga Afrika.
Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa shirka Midowha Afrika ka sokow waxaa uu ka qeybgeli doonaa Shir Madaxeed aan caadi ahayn oo ay isugu imaan doonaan madaxda dalalka xubnaha...
Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka ee Somalia oo isugu yimid shir aan caadi ahayn oo uu Shir guddoominayay RW Somalia, Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke, ayaa Waxaa si adag loogu cambaareeyay Af-gambigii la doonayay in lagu kala Dhantaalo Horumarrada iyo Dimuquraadiyadda ay gaareen shacabka dalka Turkiya ee aan Walaalaha nahay.
Kulanka ayaa...
Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sh. Maxamuud - ayaa Ciidamada Booliiska Soomaaliya ugu baaqey in ay kasbadaan kalsoonida shacabka, siina xoojiyaan dadaalkooda ku aaddan sugidda amniga.
Xasan Sheekh, ayaa hadalkaan ka jeediyay munaasabad lagu soo Gabagabeynayay Tababar u socday askar cusub oo jaamiciyiin ah oo ku soo biiray Ciidanka Booliska 19 ay...
Askarta sida gaarka ah u tababaran ee Kenya (special units) oo aad ula dagaalama Al-Shabaab sida hadalka loo dhigay ayaa doonaya iminka in dawlada Kenya ay u kordhiso mushaaraadka maadaama ay shaqadaa adag qabtaan.
Waxay cutubyadaasi aad uga cabanayaan mushaarka oo kuyar iyo wax magdhaw ah inaysan ku helin dhaawacyada...
Xoogag ka tirsan Ururka Al-shabaab ayaa maanta weeraray kolonyo gaadiid ah oo ay wateen Ciidammo Kenya ee AMISOM ka tirsan oo ay wehliyeen kuwo Soomaali ah, iyagoo weerarkaas ku dilay Askar Kenyaan ah.
Weerarka ayaa ka dhacay deegaanka lagu magacaabo Qododo oo ku yaala inta u dhexeysa Magaalada Ceel-waaq iyo...
Diiwaan-gelintii Cod-bixiyeyaasha ayaa Sabtida berri ah ka billaaban doonta Gobolka Sanaag oo ah Gobolka ugu balaadhan Gobollada Somaliland.
Gudoomiyeyaashii xisbiyada, guddida doorashooyinkii, xukuumaddii oo uu hoggaaminayo Madaxweyne ku xigeenka Somaliland - Cabdiraxmaan Cabdullaahi Ismaaciil Saylici iyo Taliyeyaashii Ciidanka kala duwan ee Somaliland ayaa iskugu wada tegay xarunta gobolka Sanaag ee...
Kadib dhacdadii xalay magaalada Nice ee dalkaasi Faransiiska gaari lagu dilay dad gaaraya ugu yaraan 80 qof ayaa madaxweynaha dalkaa uu amar ku bixiyay in xaalad dagdag ah oo dalkaa saaran 3 bilood oo dheeraad ah lasii kordhiyo.
Madaxweyne Francois Hollande ayaa go'aankaa qaatay kadib markii nin darawal ah uu...


















