Madaxweynaha Dalka Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle oo khudbad ka jeediyay Shir-madaxeedka 27-aad ee dalalka Carabta oo ka socda dalka Mouritania, ayaa ka hadlay duruufta Ummadaha Carabta ah xilligan haysta iyo sidii looga gudbi lahaa Caqabadaha hortaagan.
Mudane Geelle ayaa si gaar ah u tilmaamay la dagaalanka faqriga, is-balaaruinta argagixisada iyo...
Xisbiga Dimuqraadiga, ayaa si rasmi ah u magacaabay in xog-hayihii hore ee arrimaha dibadda Hillary Clinton ay noqoto musharaxa madaxtinnimo ee xisbigaasi u matali doona doorashada madaxtinnimo ee sanadkan ka dhici doonta Mareykanka.
Iyadoo la muujinaayay midnimo xooggan oo xisbiga dhexdiisa ah, ayaa fiidnimadii Talaadada, waxaa Senator-ka Vermont Bernie Sanders,...
Qaar ka tirsan qaxootiga Dhadhaab oo Soomaaliya dib loogu celin lahaa maanta ayaa ilaa amar dambe celintooda hakad la galiyay.
Arintaa ayaa timid kadib markii shalay labo qarax ay ka dheceen meel ku dhow garoonka Muqdisho ee Aden Abdule Osman International Airport. Qaraxyadaa ayaa waxaa ku dhintay dad ku dhow...
Madaxda xisbiyada siyaasada soomaaliya oo ku wada jira Isbaheysiga IXSS ayaa habeenkii 3'aad ku sugan xarunta gobolka Hiiraan ee Beledweyne,iyagoo kulamo gooni gooni ah la leh qeybaha bulshada ku dhaqan magaalada Beledweyne.
Madaxdan oo tiradoodu gaareyso ilaa todobo xubnood ayaa waxaa hugaaminayey gud.kuxigeenka 1'aad ee Isbaheysiga xisbiyada siyaasada soomaaliya Suleymaan...
Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Soomaaliya C/risaaq Cumar Maxamed ayaa sheegay in Qaraxyadii maanta ka dhacay agagaarka Garoonka Diyaaradaha Muqdisho ay ku dhinteen ugu yaraan 13-ruux oo ciidammo ilaalo ahaa u badan, ayna ku dhaawacmeen shan ruux oo kale.
Wasiirka oo la hadlay VOA-da, ayaa sheegay in Qaraxyadaan uusan garanayn halka...
In ka badan shan askari oo ka tirsan ciidamada Kenya ee KDF ayaa dhaawacmay kadib markii taangi ay saarnaayeen miino ku kacday maanta.
Miinadaa ayaa ku qaraxday taangigaa mar sii horeysay oo uu maraayay meesha lagu magacaabo Ishakani oo ka tirsan deegaanka Kiunga ee bariga Degmada Lamu. Halkaa ayaa aad ugu...
Ugu yaraan 11-ruux oo isugu jira Ciidammo iyo Dad Shacab ah ayaa ku dhintay laba Qarax culus oo maanta ka dhacay Agargaarka Garoonka Diyaaradaha Aadan Cade ee Muqdisho, gaar ahaan inta u dhexeysa Albaabbada Xalane iyo Garoonka laga kala galo.
Wararka ayaa sheegaya in Qaran dadka ku dhintay ay ku...
Hoggaamiyaha Mucaaradka dalka Koonfurta Suudaan, Riek Machar ayaa xilkii madaxweyne ku xigeenka Waddankaas laga qaaday iyadoo lagu bedelay Taban Deng Guy oo ahaa mas'uulkii mucaaradka uga qaybgalay wada-hadalladii nabadeed ee lagu qabtay Addis Ababa.
Tallaabadan ayaa la sheegay inay ku timid, kaddib markii uu mucaaradku kala jabay, iyadoo garab ka...
Hoggaamiyeyaasha ururka dalalka jaamacada Carabta ee ka qeyb qaadanaya shirweynaha Carabta ee kasocda maanta caasimada dalka Mauritania ayaa ballan qaaday isla markaana wacad ku maray in ay ka adkaan doonaan argagaxisonimada.
Shirka ayaa waxaa guddoominaaya madaxweynaha Mauritania, Maxamed Ould Abdel Aziiz. Shirkaa ayaa furmay shalay asagoo lagu qabtay teendho weyn...
Aroornimadii saaka nin mindi ku hubeysnaa ayaa dilay ilaa labaatan qof gudaha dalka Japan.
Dadkaa ayaa waxaa la sheegay inuu ninkaasi gawracay. Wararka qaar ayaa sheegaya in ninkaasi uu ka shaqeynaayay meel lagu xannaaneeyo dadkaa naafada ah.
Ninkaa oo dhallin yaro ah ayaa usoo dhacay halkaa asagoo dilay dadkaa.
Booliska ayaa gacanta...


















