Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Somalia Maxamed Sh. Cusmaan Jawaari oo xarunta Madaxtooyada kula kulmay Haweenka Xubnaha ka ah Baarlamaanka Somalia iyo Haween ka tirsan ururrada bulshada, ayaa sheegay inay taageerayaan in haweenku ay helaan qoondadooda 30% ah.
Kulankan ayuu Madaxweynaha haweenka ugu sheegay in shirkii Hoggaamiyeyaasha ee Bishii August lagu go’aansaday in si buuxda loo fuliyo qoondada Haweenka ee Doorashada 2016-ka.
Dhanka kale, Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa sheegay inay si buuxda u taageersan yihiin qoondada haweenka ee goleyaasha Qaranka, iyagoo kula dar-daarmey inay u midoobaan gaarista hadafkooda siyaasadeed, ayna door ku yeeshaan talada iyo dib u dhiska dalka.
Ugu dambeyn, Haweenka Soomaaliyeed ayaa muddooyinkii dambe oo dhan u ololeynaya inay helaan qoondadooda golayaasha siyaasadda dalka ee ah 30%, taasoo ay sheegeen inay lagama maarmaan tahay inay ka helaan hay’adaha dastuuriga ah ee Dowladda.
warsom2011@gmail.com