Khamiistii aanu soo dhaafnay ayaa sanad uu buuxsamay lagasoo bilaabo markii jabhada Al-Shabaab ay weerartay saldhig ciidamada Uganda ee AMISOM lahaayeen halkaa oo la sheegay in 19 askari ay ku dhinteen.
Hal askari ayaa Shabaabku wateen ayagoo fiidiyow kasoo duubay labo bilood kadib. Wuxuu askarigaasi sheegay in al-Shabaab ay si fiican u daryeelaan. Hadase ma kala cada in wali askarigaasi nool yahay sida uu sheegay afhayeen u hadlay ciidamada Uganda ee UPDF Paddy Ankunda asagoo intaa ku daray in maalin un lasoo badbaadin doono.
Saddex maalmoodse kadib dagaalkii xeradaa ka dhacay madaxweynaha Uganda Museveni ayaa sheegay in lix askari maqan yihiin laakiin Khamiistii Ankunda wuxuu sheegay in shantood la helay.
Wuxuu sheegay in al-shabaab ay caadeysteen inay weeraraan xeryaha UPDF ee ciidamada markaa Soomaaliya ku cusub ama kuwa lasoo celinaayo. Weerarkaa kadib Madaxweyne Museveni wuxuu amar ku bixiyay in xilka laga qaado Kolonel Bosco Mutambi iyo 3 sargaal oo kale kuwaasoo haatan ay kusocoto dacwad. Mutambi wuxuu ahaa taliyihii ciidamada Battle Group 16 ee kusugnaa halkaas.
warsom2011@gmail.com