-Codbixiyeyaasha in badan oo ka tirsan oo aan la dhicin siyaasada u roon soo galootiga ee haweeneyda hoggaamisa dawlada Jermalka Angela Merkel ayaanan u codeyn xisbigeeda doorasho maanta la qabtay.
Axasaabta kasoo horjeeda caawinta iyo soo dhaweynta qaxootiga ayaa ayagu helay codad faro badan kadib markii cod bixiyeyaashu ay ka xanaaqeen siyaasada Merkel ee xaduudaha u furtay qaxootiga. Doorashada ayaa waxaa ka qeyb qaadanaya ilaa 1.33 malyan oo cod bixiyeyaal ah.
Waxaa lasoo dooranayaa baarlamaan goboleed cusub xubnihiisa gaar ahaan waqooyiga bari ee dalkaa gaar ahaan gobolka Mecklenburg-Western Pomerania, oo ay kutaal halka laga soo doortay Merkel ee Stralsund.
Doorashada ayaa timid sanad kadib markii Merkel go’aansatay inay soo galaan tobanaan kun oo qaxooti ah oo Suuriyaan ah iyo muhaajiriin kale oo ay iska soo diideen dalalka kale ee bariga Yurub.
Waxaa dhibaato iyo culeys ku ah dawlada dalkaa sidii ay dadka u dhexgalin lahayd hal malyan oo qof oo dalkaa soo galay sanadkii tagay oo qura.
Go’aanka ay qaxootiga kusoo dhaweysay ayaa ka careysiiyay muxaafidiin badan oo reer Yurub iyo reer Jermal isugu jira.
Shacuurta reer Jermel ayaa is badashay kadib weeraro la sheegay inay geysteen dad soo galooti ah bishii Luuliyo ee aanu soo dhaafnay.
Labo weerar oo weeraradaa kujiray waxaa sheegatay jabhada la magac baxday ‘Dawlada Islaamka’.
warsom2011@gmail.com








