Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa sheegay inay burburiyeen shabakado ka tirsan Al-Shabaab, kuwaas oo ay sheegeen in loo diyaariyay inay si qarsoodi ah ugu dhex dhuuntaan qaybo ka mid ah caasimadda Muqdisho iyo nawaaxigeeda.
NISA ayaa sheegtay in gacanta lagu dhigay 11 dhagar-qabe oo ka tirsanaa shabakado...
Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa Devin Kennington u magacaabay inuu noqdo safiirka cusub ee Maraykanka u qaabilsan Soomaaliya, iyadoo Washington ay dib u buuxinayso xilka safiirnimo ee Muqdisho oo bannaan tan iyo markii dib loogu yeeray safiirkii hore Richard H. Riley dabayaaqadii 2025.
Magacaabista Kennington ayaa ka mid ahayd liiska...
Mareykanka ayaa mar kale dib u shaacisay abaalmarin lacageed oo dhan $5 milyan oo lagu bixinayo ciddii keenta xog horseedi karta in la helo Khadra Ciise, oo sidoo kale loo yaqaan Umm Qaqa al-Somali, taas oo Mareykanku ku tilmaamay madaxa macallimiinta shareecada ee kooxda ISIS.
Barnaamijka Rewards for Justice ayaa...
Taliska Booliska Galmudug ayaa sheegay in ciidamo ka tirsan booliska ay iska difaaceen weerar ay maleeshiyaad hubeysan oo qaab qabiil u abaabulan ku qaadeen bar-koontarool oo ku taalla deegaanka Jiiro-Caweer, oo hoos taga degmada Godinlabe ee gobolka Galgaduud.
Sida lagu sheegay war-saxaafadeed uu soo saaray Taliska Booliska Galmudug, weerarku wuxuu...
Guddoomiyaha Guddiga Madaxa Bannaan ee Xuquuqda Aadanaha Soomaaliya, Dr. Maryan Qasim, ayaa Muqdisho kula kulantay madaxa Howlgalka Ku-meelgaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNTMIS), Raisedon Zenenga, iyadoo labada dhinac ka wada hadlayay sidii guddiga Soomaaliyeed loogu wareejin lahaa howlaha xuquuqda aadanaha ee ay Qaramada Midoobay gacanta ku hayso.
Kulanka...
Ururka siyaasadeed ee Towfiiq ee uu hogaamiyo Sheekh Shaakir ayaa sheegay inuu ka soo horjeedo go’aanka Guddiga Doorashada ee looga reebay liiska ururrada siyaasadeed ee ka qaybgalaya doorashada ku celiska ah ee Galmudug.
Towfiiq ayaa bayaan uu soo saaray maanta oo isniin ah ku sheegay inuu diyaar u yahay ka...
Ugaaska beesha Xawaadle, Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan, iyo siyaasiyiin ka tirsan labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta ka baxay magaalada Muqdisho ayaa gaaray Beledweyne, halkaas oo ay si weyn ugu soo dhaweeyeen mas’uuliyiin ka tirsan Hirshabeelle iyo dadweyne fara badan.
Soo dhaweynta ayaa waxaa garoonka diyaaradaha magaalada kaga hortagay...
Ganacsatada Soomaaliya ayaa bilaabay inay raadiyaan marinno kale oo maraakiibta ah, iyadoo xiisadaha amni ee ka taagan marinka Bab al-Mandab iyo marin-biyoodka Hormuz ay saameyn ku yeesheen isu-socodka badeecadaha iyo ganacsiga gobolka.
Shirkadaha Soomaaliyeed ayaa caadiyan badeecooyinka uga soo dhoofsada Aasiya iyagoo sii mara dalalka Khaliijka sida Imaaraadka Carabta, Cumaan...
Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa been aan sal iyo Raad laheyn ku Tilmaamay Wararka sheegaya in Xisbiga Towfiiq, oo uu hoggaamiyo Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan, Laga reebay xisbiyada ka Tartami doona inay ka qayb galaan doorashada ku-celiska ah ee laga qabanayo deegaannada Galmudug 30-ka September...
Safiirka Turkiga ee Soomaaliya ayaa sheegay in Soomaaliya ay sannadka 2027 markii ugu horreysay dayax-gacmeed u diri doonto hawada sare, isagoo xusay in Turkigu uu kala shaqeynayo Soomaaliya mashaariic la xiriira hawada sare.
Safiirka ayaa sheegay in qorshahan laga fulin doono deegaanka Warsheekh, halkaas oo uu tilmaamay in laga sameyn...


















