Ciidanka Booliska Somaliland oo shalay magaalada Gabilay ku xidhay Wariye Xasan Saleebaan Haaruun, (Xasan Galaydh), oo ah mulkiilaha Galaydh TV, ayaa sheegay in loo haysto eedo ah inuu faafiyay warar been-abuur ah.
Taliska Ciidanka Booliska Somaliland ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in Xasan Galaydh wax laga weydiiyay wararka uu ku faafiyay warbaahinta, isla markaana uu waayay wax caddayn ah oo uu ku xaqiijiyo jirtaanka wararkaasi.
“Ciidanka Booliska JSL ayaa gacanta kusoo dhigay eedaysane Xasan Saleebaan Haaruun (Gallaydh), oo ku eedaysan faafinta warar been-abuur ah.”
Boolisku waxay intaas ku dareen in eedaysanaha loo diyaarinayo in si degdeg ah loo horgeeyo hay’adaha sharciga, si looga qaado tallaabo waafaqsan sharciga.
Xasan Galaydh ayaa magaalada Gabiley laga soo qabtay Arbacadii xilli uu halkaasi u joogay safar shaqo, iyadoo xadhiggiisa uu kusoo beegmay kaddib hadal uu maalin ka hor magaalada Hargeysa ka jeediyay, kaas oo isaga iyo wariyayaal kale ay Xukuumadda Somaliland ugu baaqeen in la sii daayo wariye Cabdiqani Baylood oo dhawaan la xidhay.
Xasan Galaydh ayaa Madaxweynaha Somaliland ka codsaday in la sii daayo Baylood, isaga oo xusuusiyay Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) mowqifkiisii xilligii uu mucaaradka ahaa ee ku aaddanaa xadhigga saxafiyiinta. Isaga oo sheegay in xukuumadu anay eed rasmi ah u ahayn wariye Baylood lakiin hadda loo diyaarinayo eed.
Xadhigga wariyaha ayaa sidoo kale dhaliyay falcelin siyaasadeed, iyadoo dadka u dooda xuquuqda saxaafada iyo xoriyatul qawlka ay ku baaqayaan in Xasan Galaydh iyo suxufiyiinta kale ee la xidhay loo soo celiyo xorriyaddooda.
Xukuumadda Somaliland ayaa horey, xilligii ay mucaaradka ahayd, ugu ololeyn jirtay xorriyadda hadalka iyo saxaafadda, iyadoo xukuumaddii Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ku dhaliili jirtay habka ay ula dhaqanto saxafiyiinta iyo warbaahinta.



