Iskool kuyaala Dhuusamareeb ayaa waxaa xirtay jabhada Ahlu Sunna oo halkaa ka talisa.
Ahlu Sunna ayaa waxaa ay ku andacootay in iskoolkaa lagu barayay ardayda dhigta waxyaabo waafaqsan afkaarta Khawaariijta. Afhayeenka Ahlu Sunna ee magaaladaa Mursal Sheekh Maxamed ayaa warbaahinta u sheegay in maamulka iskoolka wax laga baddali doono iskoolkana...
Iyadoo guud ahaan deegaannada maamul gobolleedyada dalka ka sii socdaan doorashada xubnaha aqalka, hoose, ayaa doorashadii maanta ka dhacday magaalada Jowhar waxaa ku soo baxay xildhibaanno cusub oo ka mid noqonaya baarlamaanka federaalka sanadkan 2016ka.
Xubnaha maanta la doortay ayaa waxaa ka mid ah Farxiyo Muumin Cali, Cumar Cismaan Waasuge...
ALLAHA u naxariistee waxaa maanta magaalada Hargeysa ku geeriyooday Abwaan, macalin, Mu’aluf, Maxamed Jaamac Kayd oo Muddooyinkan dambe bukaan jiif ahaa.
Abwaan Kayd ayaa Muddooyin dambe u Xanuunsanayay FAALUG uga dhinacay dhinaca, kaasoo waayadan dambe bukaan socod ka dhigay, waxaana la sheegay inuu u geeriyooday faalugii oo mar kale ku...
Kulankan oo loo qabtay waxgaradka iyo odayaasha beelo ku dagaalamay dulleedka magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan, ayaa waxaa ka qeyb-galay, mas'uuliyiinta maamulka gobolka Hiiraan saraakiisha ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM.
Kulamadan oo marar badna oo hore dhacay, islamarkaana soo jiitamayay muddo dheer, ayaa maanta loo saaray guddi ka kooban beelaha...
Abaaro saameyn Xooggan - ku yeeshay Dadka iyo duunyada ayaa ku dhuftay deegaanno badan oo Somalia ka tirsan, kuwaasoo Meelaha ugu daran oo ay ku dhufteen ay ka mid tahay Puntland,Galmudug,Somaliland,K/galbeed iyo J/land.
Abaartan ayaan la arag mid la mid ah sodonkii sano ee lasoo dhaafey iyadoo madaxda dawlada dhexe...
Madaxweynaha cusub ee dalka Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in sharciga dalkiisa u oggolaanayo in uu isku waddo ganacsigiisa iyo shaqada madaxtinnimada Maraykanka.
Waxaa soo baxayay walaac laga muujinayo suurta-galnimada in ay labadaasi arrimood is khilaafi karaan marka uu Trump la wareego Aqalka Cad bisha Januray.
Waxaana muran ku jiraa sidii...
Dagaal culus oo u dhaxeeya ciidammada dowladda Soomaaliya iyo xoogagga Al-shabaab ayaa lagu waramayaa xalay ilaa maanta in uu ka soconayo deegaanka Goofgaduud ee gobolka Baay.
Dagaalka ayaa bilaawday kaddib weerar culus oo dagaalyahannada Al-shabaab ku soo qaadeen fariisimo ciidammada dowladda ay ku lahaayeen deegaanka Goofgaduud, waxaana wararku sheegaya in...
Mas'uuliyiin ka tirsan Xukuumadda Britain ayaa ku gacan-sayray baaq kasoo yeeray Donald Trump oo uuu Xukuumadda UK ka dalbaday inay Wakiilkeeda Washington u Magacowdo Nigel Farage oo Hormuud u ahaa kooxdii ka dambeysay ololaha ay Britain uga baxeyso Midowga Yurub.
Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Britain ayaa sheegay in jagadaasi hadda...
Dowladda gobolleedka Galmudug ayaa ku gacan-seyray eedeymo la xiriira doorashada xubnaha aqalka hoose ee ka socta Cadaado oo lagu tilmaamay mid musuq-maasuq baahsan uu ka jiro.
Afhayeenka guddiga doorashada maamul gobolleedka Galmudug Yuusuf Diiriye ayaa warbaahinta gudaha u sheegay in eedeyntaasi tahay mid aan sal iyo raad toona laheyn, islamarkaana...
Doorashadii xubnaha aqalka hoose ayaa dib uga bilaabatay magaalada Jowhar, kaddib go'aan laga garay kursigii gacan ka hadalku ka dhashay ee aqalka hoose.
War ka soo baxay guddiga doorahada oo la soo dhigay barta ay ku leeyihiin Twitter -ka ayaa lagu sheegay in dib loo dhigay kurisgii khilaafku ka dhashay,...


















