Qoys reer Burco ah oo dhibaato soo wajahdey Sixir furkeedii la heley.

0
426

Qoyskii magaaladda Burco ku noolaa ee maalmihii u dambeeyey laga soo sheegayey inay cuntaddii ay karsanayeen iyo biyihii ay cabayeen isku bedelayeen wax kale ama casaan oo kale ayaa wadaad ku dabiiba quraanka iyo diinta baadhitaan ku sameeyey sida wax u jiraan sheegay inay arrintani tahay mid sixir ah oo loo dhigay.

Sheekh Jaamac Cismaan Axmed oo isagu khabiir ku ah arrimaha sixirka ayaa markii uu qoyska uu quraan ku akhriyey markiiba gartay in qaab sixir loo qabtay, isla markaana dhulka wax loogu aasay, waxaanu markiiba dadkii u diray in la baadho inay jiraan meelo guriga agtiisa ah oo la qaaday oo wax lagu aasay, waxaana markiiba la arkay in dhagax hoostii la dhigay oo walxo la isku xidh xidhay uu sheekhu ka soo saaray.

Sheekh Jaamac Cismaan ayaa wixii isku xidh xidhnaa kala saaray, waxaanu sheegay in marka la kala furfuro wixii loo dhigay kala yaacayaan, isla markaana qoysku sidiisii ku noqonayaan.

“dhibaatada qoyskan haysaa waa sixir loo dhigay, markii aanu guriga docdiisa ka soo galay waxanu nidhi meel la qoday baadha, waxaanu helay dhagax la dul saaray walxihii sixirka lagu qabtay, dabadeedna waxa naga soo baxay waxyaalo isku duuban” ayuu yidhi Sheekh Jaamac Cismaan Axmed oo siday usoo heleen sixirkan loo dhigay qoyska ka hadlaya.

Sheikh Jaamac Cismaan oo ka hadlaya sixirkan waxa uu ka koobnaa waxa uu yidhi “ waraaqdani waxay ka kooban tahay xuruuftii jinka oo la soo gaabiyey, sadex musbaar, sadex laf timireed, timo iyo malmal, intaas ayuu ka kooba waanu furfurnay mar hadii lafur furay wuu burayaa”.

Sidoo kale,waxa iyaguna halkaasi ka hadlay qoyskii dhibaataddu ku dhacday ee cuntadooddu mar walba noqonaysay nooc kale ama cuntaddu ka xumaanaysay, biyuhuna noqonayeen dhiig oo kale, waxaanay sheegeen inay imika cuntaddii sideeddii tahay, isla markaana dhibaataddii haystay ilaahay ka dul qaaday.

“gurigi waa gurigii ay ka dhacday dhibaataddu waana mid sixir oo ay geysteen dad saaxiriin waa la soo saaray sixirkii, dadkii iyo gurigii waa caadi, cuntadii waanu karsanayna, dhibaataddii na haystay waa la naga qaaday, dhibaato kale oo yaala ma jirto mid waalidkay  geysteena ma jirto mid dhaxal ah sida dadku sheegayeena maaha ee waxa geystay waa dad saaxiriin ah”ayey tidhi hooyo ka mid ah dadkii qoyska ahaa ee dhibaataddu ku dhacday.

Dadkii maqlayey dhacdadan iyo dhibaatadda ku dhacday qoyskan ayaa siyaabo kale u fasirtay, waxaanay qoyskan dhibtu ku dhacday dadweynaha u direen fariin ah in aanay jirin dhibaato kale oo dhaxal iyo mid waalidkood sameeyey balse dad saaxiriin ahi arrintan sameeyeen, ilaaahay ka dul qaaday.

wal ciyaadu billaah.

warsom2011@gmail.com

hormuud-logosalaam-bankbeccotabaarak