Dagaal culus oo u dhaxeeya labo maleeshiyo beelleed ayaa goor dhaw ka qarxay deegaan 6km dhinac galbeed uga beegan magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.
Madaafiicda iyo rasaasta culus oo ay adeegsanayaan dhinacyada iska soo horjeeda ayaa laga maqlayaa xaafadda Howl-wadaag ee magaalada Beledweyne, waxaana dad ku dhaawacmay dagaalka qaarkood...
Iyadoo waqtigan la joogo gabangabada waxa loogu yeerey Doorashada dadban ayaa waxaa isa soo tareysa qeylo dhaan la xiriirta sida ay wax u socdaan iyo musuqa hareeyey doorashada dadban ee 2016ka.
Isbaheysiga Xisbiyada Siyaasada Soomaaliya ayaa hore waxa ay u sheegeen in aan doorasho lagu tilmaami karin waxa loogu yeerey...
Illaa hadda waxaa maamulka K/galbeed kasoo baxey xildhibaanada aqalka hoose oo gaaraya 43 xildhibaan waxaana Xildhibaano hore ah 32 xildhibaan halka 11ka kale ay yihiin kuwo cusub hadaba akhriso shaxda oo tilmaameysa tirada iyo beelaha ay ka kala yimaadeen xildhibaanada K/galbeed oo 69 kursi uu maamulkaasi soo dooranayo.
Tartan iyo loolan adag ayaa mar kale loo geli doonaa kursi ka mid ah kuraasta Aqalka Hoose ee taala Jowhar, iyadoo mar kale ay dhici doonto lacago badan oo lagu qarash-gareeyo hal kursi oo loolankiisa uu xamaasad iyo xiftaal aad u adag uu ka jiro.
Kursiga Beesha Xawaadle/Agoon ayaa lagu...
Sarkaal ka tirsanaa illaalada Safaaradda Dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta ee Muqdisho, ayaa Maanta lagu dilay Qarax lala eegtay Gaari uu watay oo marayay isgoyska Manaboolyo ee Muqdisho.
Guddoomiyaha degmada Shibis, Axmed Muumin Maxamed ayaa xaqiijiyay in sarkaalkan gaari uu watay lala beegsaday Qarax, isaguna uu goobta ku Naf-waayay, gaariga oo...
Gaashaan-buurta NATO, ayaa soo gaba-gabeysay hawlgalkii ay ugu magac-dartay Ocean Shield ee xeebaha Somalia, kaddib markii hoos u dhac weyn ku yimid weerarada burcad badeedda.
Ciidamada Cirka Dalka Denmark, ayaa sameeyey Hawlgalkii ugu dambeeyey ee NATO ee lagu kormeerayey Badweynta Hindiya ee Marta Soomaaliya.
Hawl-galka NATO, ayaa Qayb ka ahaa Jawaab...
Wafuudii Soomaaliya ayaa ku darsamay wafuuda dalal badan oo jaamacada Carabta kasocday ugana qeyb galayay shir ay lahaayeen Carabta iyo Afrikaanka oo ka dhacayay dalka Equatorial Guinea.
Saraakiil ka socday Morocco, Soomaaliya iyo dalal kale oo Carab ah ayaa isaga baxay shir madaxeed ay lahaayeen madaxda Carabta iyo Afrikaanka ayagoo...
Ururka Al-Qaacida ayaa qirtay in mid ka mid ah saraakiishooda sar sare oo lagu magacaabo Faaruuq Al Qaxtaani iyo qoyskiisa diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee Mareykanka ku dilleen W/bari dalka Afgaanistaan.
Xukuumada Washington dhinaca ayaa dilkan xaqiijisay 5tii bishan November, ayagoo ku tilmaamay in uu ahaa weerar si sax ah...
Ciyaal- kooxo kooxo u socda oo ku hubaysan baastoolado iyo middiyo ayaa dhowrkii habeen ee la soo dhaafay dhaawacyo u gaystay dad shacab ah oo guryahoodi ku sii jeeday ,waxaana weeraradan oo ah kuwa qorshaysan ay dadka kaga furtaan moobeelada iyo alaabaha kale ee ay wataan.
Xaafad-da SAFA oo ku...
Dhowr qof ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen duleedka Xarardheere kadib markii halkaa dad deegaan ah iyo xarakada Al-Shabaab ay ku dagaalameen.
Dadka dhintay ayaa 5 la sheegay in ay xarakada Al-Shabaab ka tirsanaayeen dagaalkaa oo dhacay shalay galab. Wararka ayaa intaa ku daraya in dagaalku ka bilowday muran ku...


















