Ciidamada AMISOM ayaa hawl galiyay 200 oo boolis ah si ammaanka loo adkeeyo dhammaan daafaha Soomaaliya.
Shalay Khamiistii ayaa ciidamada AMISOM sheegeen in hawlgalkaa ay iska kaashanayaan booliska Kismaayo. Waxay ciidamada AMISOM sheegeen in ay diiwaan galinayaan rag iyo dumar kuwasoo 3 bilood la tababari doono.
Intaa kadib ayaa laga hawl galin doonaa qeybo kala duwan oo Soomaaliya ka tirsan si ammaanka iyo kala dambeynta loo dhawro.
Mashruucaa ayaa waxaa maalgalisay Dfid oo Ingiriiska u qaabilsan horumarinta caalamiga ah.
Wajigii hore iyo kii labaad ee mashruucaa ayaa waxaa lagu tababaray 400 oo biliis ah oo laga hawl gashay Jubaland.
Kani ayada oo uu yahay wajigii mashruucaa ee 3aad ayaa waxaa guud ahaan uu ka dhigayaa inta mashruuca lagu tababarayo 600 oo askari oo boolis ah.
Tababarka jismiga ah ka sokow ayaa waxaa lagu tababari doonaa askartaa xaquuqul insaanka iyo sida loo dhowro darsiyo kalena waa la siin doonaa.
warsom2011@gmail.com










