Kuraasta lagu laaley Musuqa oo Mareykanku Sheegey in aan lagu soo darin kuwii ugu darnaa.

0
624

Safiirka dowladda Mareykanka ee Soomaaliya Stephen Schwartz oo wareysi gaar ah siinayay laanta afka Soomaalida ee VOA-da ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyay aragtida
beesha caalamka ee doorashooyinka Soomaaliya, gaar ahaan kuraastii dhawaan ay dib u celiyeen gudiga madaxabanaan ee doorashada.

Safiirka ayaa qiray in xarumaha dowlad gobolleedyada, ka dhaceen falal danbiyeedyo, musuq maasuq iyo wax is daba marin, oo dhamaantood xadgudub ku ah arimaha doorashada.

‘’Dib u dhaca weyn ee doorashada waxaa keenay guddiyadii doorashada iyo hogaamiyayaasha siyaasada oo aan ku hishiiis ama isla meel dhigi qaladaadkii dhacay’’’ ayuu yiri Stephen Schwartz.

Mar uu soo hadal qaaday liiskii guddiga xalinta khilaafaadka ee ahaa 11-kii kursi ee la laalay ayuu sheegay in Mareykanka iyo dalalka kale aysan raalli ka aheyn, isagoo xusay in laga saaray liiska kuraastii ugu saameynta badnaa marka laga hadlayo musuq maasuqa.

Waxaa uu sheegay Mr Stephen Schwartz in ay ayidayaan natiijada doorashada, hadii ay arkaan in hanaanka doorashada uu noqdo mid la aamini karo.

Ugu danbeyntii, safiirka ayaa soo hadal qaaday caqabadaha ka taagan doorashada aqalka Sare ee Somaliland, isagoo xusay in arrintaas xalinteeda wali la wado.

Hadalka safiirka ayaa imanaya xili guud ahaan beesha caalamka walaac weyn ka muujinayaan xalaalnimada doorashada Soomaaliya, iyaga ku celi celiyay in ay jiraan kuraas la boobay oo xildhibaannadii ku soo baxay
hadda ka tirsan yihiin baarlamaanka cusub.

DHanka kale Ibaheysiga Xisbiyada Siyaasadda Soomaaliya ayaa dhawaan warqad u direy QM iyo Beesha caalamka taas oo qeexeysey in la Musuq maasuqey 74 kursi kuwaas oo haddii aan wax laga qaban jiritaanka Barlamaanka iyo Aqoonsigiisaba hoos u dhigeysa.

warsom2011@gmail.com

hormuud-logosalaam-bankbeccotabaarak