Qaxooti Soomaaliyeed oo Dawladda JABUUTI sheegtey in ay Celineyso.

0
581

Dawlada Jabuuti ayaa Soomaaliya ku celinaysa qaxooti Soomaaliyeed oo muddo dheer dalkeeda kunoolaa.

Hayada u qaabilsan arimaha qaxootiga dawlada Jabuuti ayaa baryahaanba ku hawlaneyd u diyaarinta qaxootigaa sidii dalkooda Soomaaliya loogu celin lahaa. Ayaga ayaa doortay inay dib ugu laabtaan Soomaaliya kadib xaalada ammaan ee dalka Soomaaliya oo soo hagaagtay darteed.

Qaxootigaa ayaa muddo dheer ku noolaa xeryo qaxooti oo kuyaala dalkaasi Jabuuti.

Waxaase ku jira dad tahriibeyaal ahaa oo dhawaan laga soo celiyay dalka Yemen kuwaasoo oo lasoo mariyay Jabuuti.

Guud ahaan waxaa Jabuuti kunool qaxootiyaal kakala yimid Soomaaliya, Yemen iyo Eritrea.

Ugu danbeyntiina waxey tani kusoo beegmeysaa iyadoo tan mid lamid ah ay wado dawladda dalka Kemya waxaana muuqaneysa in Deriska Soomaalidu uu hada go’aansadey in ay fogeeyaan qaxooti ay shaley magan ggelyo siiyeen,walina uu xaalka gudaha dalku cakiranyahey.

warsom2011@gmail.com

hormuud-logosalaam-bankbeccotabaarak