Qaramada Midoobay oo Soomaaliya Ku Wareejineysa Damaanad Qaadka iyo Ilaalinta Xuquuqda Aadanaha.

0
237

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa Bannaan ee Xuquuqda Aadanaha Soomaaliya, Dr. Maryan Qasim, ayaa Muqdisho kula kulantay madaxa Howlgalka Ku-meelgaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNTMIS), Raisedon Zenenga, iyadoo labada dhinac ka wada hadlayay sidii guddiga Soomaaliyeed loogu wareejin lahaa howlaha xuquuqda aadanaha ee ay Qaramada Midoobay gacanta ku hayso.

Kulanka oo ka dhacay xarunta guddiga ayaa diiradda lagu saarayay wareejinta howlaha la xiriira la socodka, diiwaangelinta iyo ka warbixinta xadgudubyada xuquuqda aadanaha, xilli UNTMIS uu isu diyaarinayo inuu soo gabagabeeyo howlihiisa Soomaaliya bisha Oktoobar 2026.

Zenenga ayaa sheegay in Qaramada Midoobay ay sii wadi doonto taageerada ay siiso Guddiga Xuquuqda Aadanaha Soomaaliya, xitaa kaddib marka uu howlgalka UNTMIS soo afjaro, gaar ahaan dhinacyada dhismaha hay’adda, kor u qaadista awoodda la socodka iyo warbixinta, iyo xoojinta awoodda guddiga uu si madax-bannaan ugu fulin karo waajibaadkiisa dastuuriga ah.

Dr. Maryan Qasim ayaa soo dhaweysay sii socoshada iskaashiga labada dhinac, iyadoo sheegtay in guddigu ay ka go’an tahay xoojinta lahaanshaha qaran iyo dhismaha hay’ad xuquuqda aadanaha oo madax-bannaan, hufan, isla markaana ay shacabka si fudud ula xiriiri karaan.

UNTMIS ayaa beddelay Hawlgalkii Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya 1-dii November 2024, iyadoo qorshaha kala-guurka lagu wado inuu soo dhammaado 31-ka October 2026. Marka uu howlgalku soo idlaado, howlaha harsan waxaa si tartiib ah loogu wareejinayaa hay’adaha dowladda Soomaaliya, Kooxda Qaramada Midoobay ee dalka iyo dhinacyada kale ee ay khuseyso.

Guddiga Madaxa Bannaan ee Xuquuqda Aadanaha Soomaaliya ayaa sannadkan bilaabay dadaallo lagu xoojinayo awooddiisa shaqo, kaddib markii Dr. Maryan Qasim loo doortay guddoomiyaha guddiga bishii February 2026.

Guddiga ayaa mas’uul ka ah diiwaangelinta xadgudubyada xuquuqda aadanaha, taageeridda dhibbanayaasha iyo la talinta dowladda ee arrimaha la xiriira maamul wanaagga iyo ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta.

Wareejinta howlaha UNTMIS waxay guddiga hor dhigi doontaa mas’uuliyad ballaaran oo ku saabsan la socodka xaaladda xuquuqda aadanaha ee Soomaaliya, xilli dalka uu weli wajahayo caqabado dhinacyada amniga, siyaasadda iyo ilaalinta goobaha madaniga ah.

Qaramada Midoobay ayaa ballanqaadday inay sii taageeri doonto guddiga kaddib bixitaanka UNTMIS, balse weli waxaa la sugayaa faahfaahinta qaabka iyo baaxadda taageeradaas.

Wareejinta mas’uuliyadaha xuquuqda aadanaha ayaa qeyb ka ah qorshaha ballaaran ee Soomaaliya loogu diyaarinayo inay si buuxda ula wareegto howlihii ay hay’adaha caalamiga ah muddo sannado ah ka fulinayeen dalka.