Wasiirka arrimaha dibadda Jarmalka Sigmar Gabriel ayaa saaka soo gaaray magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya, iyadoo uu ku soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha wasiirka arrimaha Dibadda Soomaaliya.
Booqashada wasiirka arrimaha dibadda Jarmalka oo aheyd mid aan horay loo sii shaacin ayaa waxaa la filayaa inuu la kulmo Madaxda dowladda.
Wararka ayaa intaa ku...
Maanta waxaa caalamka badankiis looga dabaaldagayaa maalinta Shaqaalaha iyadoo dalka Soomaaliya uu ka mid yahay 80 dal oo shaqaalaha howlahooda ay ka nasanayaan.
Mas’uuliyiinta ugu sareysa dowladda federaalka Soomaaliya ayaa hambalyo u diray dhamaanba shaqaalaha Soomaaliyeed , iyaga oo balanqaaday in dowladda si joogta ah u bixin doonto mishaarka shaqaalaha...
Ra’iisal wasaaraha xukuumada Soomaaliya Xassan Cali Kheyre ayaa sheegay in ciidamada nabad-galyada heli doonaan sida uu hadalka u dhigay daryeel joogta ah iyo wixii kale oo xaquuq ah oo u baahan yihiin.
Hadalka ayuu ka sheegay ra’iisal wasaaraha kadib booqasho uu ugu tagay ciidamo ka tirsan hay’adda nabad-sugida iyo sirdoonka...
Wararka naga soo gaaraya degmada Waajid ee gobolka Bakool ayaa sheegaya in dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab xalay xalay weerar ku culus ku qaadeen fariisimo ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiya ku lahaayeen degmada.
Sida ay warbaahinta u sheegeen dad ku sugan degmada Waajid xoogagga Al-shabaab ayaa soo qaaday weerar culus taasoo...
Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa maanta waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay Safiirka cusub ee Itoobiya u qaabilsan Soomaaliya Amb. Jamaaludiin Mustafa Omar.
Madaxweynaha ayaa xarunta madaxtooyada Soomaaliya ku qaabilay Safiirka Itoobiya Amb. Jamaaludiin oo bishii hore ay dowladda Itoobiya u soo magacawday Soomaaliya ahna Wakiilka gaarka ah ee dowladda...
Siyaasi C/risaaq Khaliif oo ka tirsan masuuliyiinta xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI ayaa xukuumadda iyo ciidanka booliska ku eedeeyey inay xidheen masuuliyiin ka tirsan xisbigoodda.
Khaliif ayaa sheegay in wakhti ay ku jiraan hoolka maxkamadda oo dacwaddi uga socotay laba masuul oo ka tirsan xisbiga WADANI uu sarkaal ka tirsan...
Magaalladda Khartoum ee dalka Sudan, waxaa maanta ka furmaya Shirka Wasiiradda Beeraha Jaamacadda Carabta.
Shirkan ayaa waxaa dowladda Federaalka ee Soomaaliya uga qeyb-galaya Md: Saciid Xuseen Ciid, oo ah Wasiirka wasaaradda Beeraha.
Wafdiga ka socda Wasaaradda Beeraha ee Soomaaliya waxaa garoonka diyaaradaha ee Khartoum ku soo dhaweeyay masuuliyiin ka tirsan dowladda...
Dowladda Kenya ayaa sheegtay in ay dishay Dagaalyahanno ka tirsan Xarakadda Al Shabaab, kadib howlgallo ay ciidanka dowladda Kenya ay ka fuliyeen degaanno ka tirsan gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya.
Diyaaradaha dowladda Kenya ayaa duqeyn ka fuliyay deegaanka War-Gaduud oo u dhow degmadda Ceelwaaq ee Gobolka Gedo.
Sarkaal la hadlay qaar...
Madaxweeynaha Jubaland Mudane Axmed Max’ed Islaam oo khudbad ka jeediyay xaflad tababar loogu soo xiray ciidamo ka tirsan kuwa xoogga dalka Soomaaliya oo mudooyinkii u danbeeyay ay tababarro dhanka ciidanka uga socdeen Kismaayo ayaa sheegay in loo baahanyahay in sida ugu dhaqsaha badan ay guud ahaan gobollada dalka uga...
Ergayga Gaarka ee QM ugu qaabilsan Arrimaha dalka Soomaaliya, Michel Keating, ayaa sheegay in shirka London Somali Conference uu muhiim gaar ah u leeyahay isbedelka dalka Soomaaliya.
Shirka London ayaa waxaa lagu wadaa in uu furmo 11-ka bisha May ee fooda nagu soo heysa, waxaana looga hadli doonaa arrimaha dalka...


















