Friday, August 14, 2026
Dowladda Kenya ayaa sheegtay in la dilay dagaalyahano u dhashay dalkeeda oo ku biiray ururka Al Shabaab, kaddib markii Al-Shabaab ay ka shakiyeen dagaalyahanadan. Kenya waxaa ay sheegtay dagaalyahanadaasi ka tirsanaa Al-shabaab in ay isla xoogag ka tirsan ururka, kadib markii looga shakiyay in ay xiriir la leeyihiin dowladda Kenya. Agaasimaha...
 Saraakiil ka tirsan maamulka degmada Wadajir ayaa warbaahinta u sheegay in rag hubeysan  goor dhaw oo maanta ah ku toogteen degmada askari ka tirsanaa ciidamada asluubta dowladda federaalka Soomaaliya. Toogashada askariga waxaa geystay rag ku hubeysnaa bastoolad kuwaa oo goobta isaga cararay kaddib dilka askari ka tirsanaa ciidamada dowladda. Goob joogayaal...
Madaxweynaha maamulka gobollada dhexe ee Ahlu Sunna Waljameeca Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xassan ayaa markii ugu horeysay faah faahin dheeraad ah ka bixiyay sababaha fashilka wada hadaladii ay la lahaayeen maamulka Galmudug. Waxaa uu sheegay dhinacooda ay kulanka la tageen labo sharuuddood oo sida uu hadalka u dhigay u cuntami...
Sida laga soo xigtay mas’uuliyiin ka tirsan maamul gobolleedka Galmudug saacadaha soo socda ayaa lagu wadaa in magaalada Cadaado gaaraan wafdi heer caalami ah, kuwaa oo goob joog u noqon doona doorashada madaxweynaha ee maalinta beri ah la filayo in ay halkaa ka dhacdo. Ilaa saddex musharax madaxweyne ayaa maalintii...
Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeellaha hoose ayaa sheegaya in dagaal saacado badan qaatay uu ku dhaxmaray deegaanno hoostaga gobolka ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa xarrakada Al-shabaab. Dagaalka ayaa dhacay kaddib markii Al-shabaab ay weerartay saldhig ciidamada dowladda ku lahaayeen meel u dhow deegaanka Number 50. Wararka ayaa sheegaya in uu...
Iyadoo maalmihii ugu danbeeyayba magaalada Muqdisho ka soconayeen kulamo is daba joog ah oo ay lahaayeen mas’uuliyiinta dowladda federaalka Soomaaliya iyo beesha caalamka, ayaa lagu wadaa in maanta mar kale xarunta Xalane uu ka furmo kulan hor dhac u ah shirka 11 bishan lagu balansan yahay magaalada London ee...
Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa markii ugu horeysay ka hadlay safarada uu dalka uga anbaxay tan iyo markii xilka loo doortay iyo hadal heynta bulshada ee safaradan la xiriira. ‘’Baryahan warka waa uu iska soc-socdaa oo waxaa la leeyahay ninkii Maxamed Cabdullaahi ahaa ee aan safarka jeceleyn ee...
Musharraxiinta Madaxweyne ee maamul-gobolleedka Galmudug ayaa maanta Khudbaddo ka horjeedinaya Xildhibaannada Baarlamaanka Maamulkaasi. Guddiga doorashooyinka Galmudug ayaa sheegay in ilaa iyo saddex musharax ay hor imanayaan Baarlamaanka, kuwaas oo kala ah. 1-      Axmed Ducaale Geelle Xaaf 2-      Cabdikadir Maxamed Shirwac 3-      Axmed Shariif Hilowle Musharraxiinta ayaa xildhibaannada u akhrinaya barnaamijkooda siyaasadeed, haddii ay ku guuleystaan xilka madaxtinimada...
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa munaasabada 1-da May, 2017 oo ah maalinta shaqaalaha Adduunka ugu hambalyeeyey dhammaan shaqaalaha Soomaaliyeed. “Waxaan hambalyo ku aadan maalinta shaqaalaha adduunka u dirayaa dhamaan shaqaalaha Soomaaliyeed ee udub-dhexaadka u ah dhaqaalaha iyo horumarka dalka guud ahaan” ayuu yiri Ra’iisul Wasaarahu. Ra’iisul...
Xarrakada Al-shabaab ayaa maanta fagaare ku yaalo deegaanka Buq-aqable ee Gobolka Hiiraan, ku dilay laba ruux oo mid ka mid ah oo ku eedeysnaa kufsi. Mid ka mid ah raggan la dilay oo lagu magacaabo Ibraahim Raagoow 29 sano jir ah ayaa la sheegay in lagu dilay dhagax kadib markii...