Wararka ka imaanaya gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in ciidamada Nabadsugida Qaranka iyo kuwa Booliiska Haramcad ay si buuxdo ula wareegeen gacan ku heynta deegaanada Jilib marka iyo Gandarshe oo ah deegaano hoostaga magaalada Marka ee gobolka Shabeellaha Hoose.
Deegaanadan ay la wareegeen ciidamada dowladda Fedaraalka Soomaaliya waxaa horay ugu...
Ciidamada Federal Booliska Itoobiya ayaa gudaha u galay magaalada Maqale si ay usugaan amniga magaalada Maqale iyo waliba xarumaha dowliga ah ee ku yaal isla magaalada Maqale.
Sida lagu sheegay war kasoo baxay taliska Ciidamada Federal Booliska ee Itoobiya, Ciidamadan ayaa sugi doona amniga garoomada diyaaradaha, Isgaarsiinta, xarunta Korontada, Bangiyada...
Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee Soomaaliya, ayaa lagusoo gabagabeeyay magaalada Muqdisho, iyadoo lagasoo saaray qodobo dhowr ah, qodobadaas oo qeyb kamid ah maamulka Puntland uusan saxiixan.
Golaha wadatashigu waxay isku raaceen marka laga reebo Puntland, heshiis siyaasadeed oo ku saabsan hannaanka fedaraalaynta garsoorka dalka iyadoo la isku raacay in la...
Xukuumada Somaliland, oo ka jawaabaysa diidmo ay xukuumada Soomaaliya ka muujisay shidaal shirkada Genel Energy ka qodayso Somaliland, ayaa sheegtay in ay iyadu masuul ka tahay maamulka khayraad keeda.
War-saxaafadeed kasoo baxday Wasaarada Macdanta iyo Tamarta Somaliland, ayaa lagu xusay in shacabka Somaliland ay xukuumadooda u igmadeen ilaalinta iyo maamulka...
Madaxweynaha dowladda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa Maanta khudbad xasaasi ah ka horjeediyay Xildhibaanadda labada Aqal ee Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya, isagoona ku dheeraaday ka hadalka dhanka amniga iyo dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab.
Madaxweyne Geelle ayaa mudanayaasha labada Gole ee Baarlamaanka Soomaaliya ugu horeyn kula dardaarmay in dalka iyo...
Madaxweyne ku xigeenka Puntland, Axmed Karaash iyo qaar katirsan wasiiradda iyo xildhibaannada Puntland ee kasoo jeeda gobolka Sool, ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in dowladda federalka iyo dowlad goboleedyada oo ku shirsanaa Muqdisho ay iska indho tireen xaaladda magaalada Laascaanood.
“Waan ka xunnahay in Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo Madasha...
Madaxweynaha dowladda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo Shalay soo gaaray magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ayaa lagu wadaa inuu Maanta khudbad ka hor jeediyo Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya.
Xildhibaanada labada Gole ayaa Xalay loo diray fariimo lagu wargalinaayay iney soo xaadiraan kulan ay yeelanayaan labada Aqal, islamarkaana...
Mudoharaado lagaga soo horjeedo dilalka qorshaysan ee lagu laayay qaar kamid ah haldoorkii gobolka Sool, ayaa saaka dib uga qarxay magaalada Laascaanood.
Dadweyne cadhaysan ayaa wadooyinka ku jaray dhagaxaan, sidookale, waxay gubayaan taayiro, ganacsiga magaalada, ayaa gabi ahaanba xidhan saaka, iyadoo ay shacabku codsanayaan in wax laga qabto dilalka lagu...
Puntland ayaa ku eedeysay Somaliland inay shacabka magaalada Laascaanood ku hayso tacaddi weyn oo u baahan inay hay’adaha xuquuqul insaanku il gaar ah ku hayaan.
Wasiirka warfaafinta Puntland Eng, Maxamuud Caydiid Dirir ayaa sheegay in waxa Laascaanood ka dhacaya ay yihiin gumaad lagu hayo shacabka, isagoo sheegay in ciidamada Somaliland...
Xildhibaanadda labada Aqal ee Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya ayaa Maanta si wadajir ah u ansixiyay Miisaaniyadda dowladda ee sanadka 2023-ka, taasoo ay mudanayaasha Baarlamaanka ka doodayeen kulamadii ugu dambeeyay.
Kulankaan oo ay goobjoog ka ahayeen guddoonadda iyo ku xigeenada labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka dhacay xarunta Golaha Shacabka ee...


















