Friday, August 28, 2026
Dabley aan haybtooda la garanayn ayaa Gaalkacyo ka geystay tacshiirad ay ku geeriyoodeen labo qof oo shacab ah, halka saddex kalena  ay ku dhaawacmeen. Falkaan oo dhacay xalay ayaa lagu dilay Burhaan Jaamac Cimi iyo Farxaan Nasar, waxaana la sheegay in lagu dilay goob ganacsi oo ay ku sugnaayeen. Ma jirto...
The Prime Minister of the Federal Government of Somalia, Hamse Abdi Barre, today appointed the Provisional Committee for Elections for the vacant seats in the 11th Parliament of Somalia. "Mr. Hamse, when he saw the articles 99 and 100 of the Transitional Constitution of the Federal Republic of Somalia and...
Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay in Somaliland ay diyaar u tahay in ay xal ka gaadho qalalaasaha Laascaanood, waxaana uu digniin u diray dowlada Soomaaliya iyo maamulka Puntland. Madaxweynaha oo kasoo baxay shir lagaga tashanayay xaalada Laascaanood, ayaa sheegay in Somaliland ku filantahay xalinta mushkilada Laascaanood, isagoo markale...
Siyaasiyiin reer Puntland ah oo ku midoobay madal siyaasadeed ayaa ku baaqay in la joojiyo waxay ugu yeereen diiwaan galinta hubaysan ee doorashooyinka golayaasha deegaanka Puntland. Siyaasiyiintan oo u badan musharraxiin u hanqal taagaya doorashada madaxweynaha Puntland ee 2024, ayaa soo saaray bayaan ay kaga digayaan sida ay sheegeen, khatarta...
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa magacaabay guddi gaar ah oo warbixin kasoo diyaarinaya dhibaatooyinka ka socda magaalada Laascaanood ee gobolka Sool. Guddigaan uu magacaabay guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madobe ayaa ka kooban ilaa 10 mudane oo ka tirsan Xildhibaanada Golaha Shacabka ee...
Wasiirka maaliyadda ee xukuumadda Soomaaliya, Dr. Cilmi Maxamed Nuur, ayaa soo bandhigay caqabadaha hortaagan in Soomaaliya ay sameysato lacag Shilin Soomaali ah oo dalku leeyahay. Wasiirka maaliyadda oo wareysi siinayay VOA, ayaa sheegay inay lacag sameyntu hortaagan tahay saddex caqabadood oo u baahan in xal laga gaaro, si uu dalku...
Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Maanta kormeer ku tagay xerada Jenaraal Goordan oo ay ku jiraan ciidamadii tababarka kuso qaatay wadanka Eratariya ee dhawaan Cutubkoodii ugu horeeyay dalka dib loogu soo celiyay. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan qaybta Ilaalo Qaran, gaar ahaan...
Qaar kamid ah dadka ku dhaqan magaalada Laascaanood ayaa ka qaxay qalalaasaha maalmihii ugu danbeeyay magaalada ka socday. Sida BBC Somali sheegtay dad aan tirradooda la sheegin ayaa ka baxay magaalada Laascaanood, kadib mudaharaadadii iyo isku dhacyadii ciidamada iyo shacabka ee halka ka socday maalmihii lasoo dhaafay. Mid kamid ah dadka...
Raysal wasaaraha Xukuumada Fedaraalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa Maanta kulan la qaatay Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumaadda Soomaaliya Maxamed Barre Maxamuud iyo Guddiga doorashooyinka xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya. Raysal wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa kala hadlay masuuliyiinta cayaaraha arrimo la xariira doorashada gudoomiyaha xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed oo la...
 Madaxweynaha dalka Turkiga, Rajab dayib Erdogan ayaa Ibrahim Mete Yagli u magacaabay safiirka Turkiga ee Soomaaliya, kaddib markii  Erdogan uu saxiixay wareegto uu isku shaandheyn ugu sameeyay safiirada caalamka. Wareegtada ayaa lagu daabacay Faafinta Rasmiga ah wax yar ka hor sanadka cusub. Safiirka cusub ayaa beddeli doona Mehmet Yilmaz oo tan sannadkii...