Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Daa’uud Aweys oo goordhaw shir jaraa’id u qabtay Warbaahinta ayaa shaaca ka qaaday in howlgaladii ugu dambeeyay ee ka dhacay gudaha dalka lagu dilay in ka badan 300 oo ka mid ah dagaalamayaasha kooxda Al-shabaab.
“Isku geynta tirada Khawaarijta laga dilay howlgaladii dhacay todobadii maalmood ee la soo dhaafay waxay gaareysaa 323 xubnood.Taas waxay muujineysaa in ciidamada dowladda oo kaashanaya shacabka ay horumar weyn ka gaareen dagaalka lagula jiro Khawaarijta” ayuu yiri Waasiir Warfaafinta Daa’uud Aweys.
Daa’uud Aweys ayaa sidoo kale xusay in howlgalada ay haatan ka bilawdeen deegaanada maamulada Koonfur Galbeed iyo Jubbaland, iyada oo la fulinaayo amarkii madaxweynaha dowladda Fedaraalka Xasan Sheekh Maxamuud ee ahaa in si deg deg loo bilaabo wajiga labaad ee howlgalada ka dhanka ah Shabaab.
Hoos ka Daawo Shirka Jaraa’id ee Wasiirka oo Dhameystiran:-