Dowlada Rwanda Oo Soo Riday Diyaarad Militeri Oo Laga Leeyahay Congo iyo Sababta loo Soo Ridey.

0
305

Sawirro lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinaya diyaarad militeri oo la toogtay xilli dul mareysay inta u dhexeysa hawada Goma ee DR Congo iyo magaalada Gisenyi ee dhinaca Rwanda.

Dowladda Rwanda ayaa sheegay inay qaadday tallaabo ay isku difaaceyso oo ka dhan ah diyaarad ay leedahay Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo oo kusoo xadgudubtay hawadeeda

Diyaaradda burburtay ayaa nooceedu ahaa Sukhoi-25 laguna soo sameeyay Soofiyeet xilli biyo lagu daminayay dab ka kacay diyaaradda garoonka diyaaradaha ee Goma.

Bayaan kasoo baxay wasaaradda warfaafinta ee DR Congo ayaa lagu cambaareeyay dhacdada.