Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdulaahi Deni oo sugan Magaalada Bosaso ayaa dhagax dhigay Bangiga dowladda laabtiisa Bosaso iyo garoonka kubada cagta ee Magaalada.
Sidoo kale Madaxweynaha ayaa xariga ka jaray Wadada Laamiga Jidka 30-ka ee galbeedka magaalada Boosaaso taasoo dhan 1.5KM, isagoo dhagax dhigay 2KM oo ah dhameystirka Wadadan.
Madaxweyne Siciid Deni...
Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Magaalada Muqdisho ka billaabay howlgallo lagu sugayo amniga caasimadda.
Howlgalka ayaa si gaar ah lagula dagaalamayaa walxaha maanka dooriya iyo raadinta hubka sharci darrada ah.
Howlgalkaan ayaa waxaa loogu magac daray Qof iyo Guri.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ciidamada ammaanka Dowladda Federaalka faray in ay...
Dhowr hoobiye oo geystay khasaare kala duwan oo aan weli la ogaan inta uu le’egyahay ayaa lagu garaacay qeybo kamid ah magaalada Muqdisho.
Qaar kamid ah hoobiyayaasha ayaa ku dhacay agagaarka hotel SYL, wasaaradda wafaafinta iyo Ex-fiyoore oo ah xayndaabka madaxtooyada Soomaaliya, waxaana jira khasaare dhaawacyo ah oo ka dhashay.
Mid...
Ciidanka Booliiska gobolka Banaadir gacanta ku dhigay koox eedeysanayaal ah oo dil iyo dhaawac kasoo geystay Magaalada Garowe, Kadibna usoo baxsaday Magaalada Muqdisho.
Kooxdaan oo ka kooban seddex rag ah ayaa ku eedeysan in Magaalada Garowe kusoo dileen Muwaadin lagu Magacaabi jiray Cabdullaahi Jeylaani, sidookale kusoo dhaawaceen Muwaadin Hanad Xasan...
Taliyaha Ciidanka Millateriga Somaliland Nuux Ismaaciil Taani, ayaa sheegay in maamulka gobolka Sool uu gacanta ciidanka ku jiro, waxaanu beeniyay warar sheegaya in ciidamo hubaysani ay Laascaanood soo galeen.
Taani oo ka hadlayay madal ay kula sugnaayeen saraakiil sar sare oo ciidamada ka tirsan, ayaa sheegay in nabadgalyada gobolka Sool...
Ciidanka Booliiska Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday iney gacanta kusoo dhigeen Aabe Soomaaliyeed oo ku eedeysan inuu dil u geystay gabartiisa oo jirtay 6 libood 14-kii bishaan Janaayo ee sanadkan 2023.
Aabahaan ku eedeysan dilka gabartiisa yar uu u geystay ayaa magaciisa lagu sheegay Abuukar Xuseen Culusow, kaasoo la tilmaamay...
Taliyaha ciidanka dhulka ee xoogga dalka Soomaaliyeed Jenaraal Maxamed Tahliil Biixi ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay khasaaraha ka dhashay howlgal Shalay ciidamada dowlada ka sameeyeen deegaano hoostaga degmada Xarardheere ee gobolka Mudug.
Jenaraal Biixi ayaa sheegay in howlgalka oo ahaa mid cir dhul ah oo ay ciidamada xoogga ka...
Dowlad goboleedka Puntland ayaa digniin kasoo saartay cawaaqib xumada ka dhalan karta abaaraha kusoo noqnoqday qaar badan oo katirsan deegaanadeeda, kadib shan xilli roobaad oo xiriir ah oo roobku aad ugu yaraa.
Warbixin cusub oo ay soo saartay hay'adda Puntland u qaabilsan macluumaadka biyaha iyo dhulka, ayaa lagu sheegay in...
Shabaabkii Gudaha u Galey Xarunta Dawladda Hoose ee Gobolka Banaadir oo Laga Takhalusay Lana Laayey.
Ciidanka booliiska gaarka ah ee Haramcad ayaa goor dhowayd ku guulaystay inay soo afjaraan kooxdii Alshabaab ee weerarka ku qaadday xarunta gbolka Banaadir.
Maydadka Shabaabkii ka dhex dagaalamayay gudaha xarunta gobolka Banaadir ayaa lasoo bandhigay, kuwaas oo ay ciidamadu dileen, kadib howlgal saacado qaatay.
Warsaxaafadeed kasoo baxay dowladda ayaa lagu sheegay...
Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa cafis u fidiyey askartii dhowaan ka qeyb qaadatay shaqaqadii ka dhacday magaalada Baydhabo.
Sida lagu sheegay warsaxaafadeed kasoo baxay madaxtooyada Koonfur Galbeed, tallaabdan ayaa lagu sheegay inay qeyb ka tahay hannaanka dib u heshiisiinta ka socota Koonfur Galbeed.
Madaxweyne Lafta Gareen ayaa...


















