Friday, August 28, 2026
Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Cabdirisaaq Khaliif Axmed, ayaa sheegay in maamul xumo ay xukuumadu ku kacday ay sababtay kacdoonada Laascaanood. Waxa uu sheegay in kacdoonada magaalada Laascaanood ay qayb ka ciyaartay qaabka ay xukuumadu uga jawaabtay kacdoonka, waxa uu sheegay in hadalada masuuliyiinta xukuumada iyo talaabooyinka ciidamada amaanku ay xaalada...
Wararka naga soo gaarayo deegaanada Beerxaano iyo Dhoqor oo ku yaala dhanka Koonfureed ee magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in deegaanadaasi kooxda Al-shabaab ka afduubteen dad shacab ah. Ku dhawaad 20 ruux oo dhamaantood ahaa dad shacab ah oo kasoo jeeda Beesha Xawaadle ayaa la xaqiijiyay in...
Guddoomiyaha barlamaanka Soomaaliya, Sheikh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa magacaabay guddiga farsamada ee shirka dib u heshiisiinta Koonfur Galbeed Soomaaliya. Guddigan oo ka kooban 7 xubnood ayaa loogu talo galay inay isku dubaridaan farsamo ahaan shirka dib u heshiisiinta Koonfur galbeed oo la qabanayo shanta bishan January. Guddoomiyaha barlamaanka Soomaaliya,...
Saaxiibada Beesha caalamka ayaa sheegay inay ka walaacsan yihiin rabshadaha ka socda magaalada Laascaanood ee gobolka Sool ee sababay dhimashada iyo dhaawaca dad rayid ah. Qoraal kooban oo ay Beesha caalamku kasoo saartay xaaladda Laascaanood, waxay ku sheegtay, in xaqiijinta ilaalinta dadka rayidka ah ay tahay waxay ugu muhiimsan.Beesha caalamku...
Dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa shaacisay in dagaal culus uu ka dhex qarxay Ururka Al-shabaab ee ku sugan  degmada Xarardgeere ee gobolka Mudug. Warbaahinta ku hadasha afka dowladda Soomaaliya lagu shaaciyay in dagaal xoogan uu ku dhexmaray xubno ka wada tirsan dagaalamayaasha kooxda Al-shabaab nawaaxiga deegaanka Camaara ee gobolka Mudug, kaasoo...
Isgaarsiinta internetka ayaa maanta hawada laga saaray magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, halkaas oo uu weli ka socdo mudaharaad xooggan oo loogasoo horjeedo joogitaanka Somaliland. Inkastoo subaxnimadii hore ee maanta uu qadka interenetka joogay, haddana goor dambe oo barqadii ah ayaa hawada laga saaray. Warar madax bannaan oo aan...
Wararka ka imaanaya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa dadka deegaanka ay Maanta la wareegeen deegaanada kala ah Masagawaay, Aw Sheekh Gaab iyo Maraay Suuleey oo ah dhamaantood deegaano ka tirsan gobolka Galgaduud ee maamulka Galmudug. Ciidamada is garabsanaya ayaa la sheegay in deegaanada qaar ay...
Taliyaha ciiddanka xoogga dalka Soomaaliya, Gen. Odowaa Yuusuf Raage ayaa sheegay in aysan Alshabaab uga daba haridoonin meel kasta oo ay ku dhuuntaan. Taliyaha ciidanka militariga oo la hadlayay boqolaal katirsan ciidanka xoogga dalka iyo kuwa deegaanka, ayaa sheegay, Shabaabka inay u furan tahay inay isisoo dhiibaan, haddii ay doonayaan...
Gudoomiyaha maamulka gobalka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa munaaaabad ka dhacday magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya waxaa lagu gudoonsiiyey Biladda Hogaamiyaha ugu wanaagsan sanadka dhamaaday ee 2022, taasoo la sheegay iney u garteen shacabka Soomaaliyeed, waxaana gudoonsiiyey Madasha Soomaali Awards. Madashada Somali Awards iyo shacabka Soomaaliyeed ayaa sheegay in gudoomiye...