Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur oo booqasho ku jooga dalka isutaga Imaaraadka Carabta ayaa kulan la qaatay Wasiiru dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Imaaraadka Carabta Cali Maxamed Al-Bawaaridi.
Labada wasiir ayaa kulankooda kaga wadahadlay arrimaha amniga gaar ahaan howlgalada ka dhanka ah Ururka Al-shabaab ee ka socda qaar...
Dowladda Uganda ayaa sameeysay guddi soo baara sababtii lagu dilay saddex askari oo Ugandhays ah oo loo soo diray Soomaaliya, kuwaas oo katirsan howlgalka midowga Afrika.
Afhayeenka Ciidamada Difaaca Shacabka, Sareeye Guuto Felix Kulayigye, ayaa sheegay in askarta dhimatay iyo kan falka geystay ay ka tirsan yihiin Ciidamada Midowga Afrika,...
Xaaladda magaalada Laaascaanood ayaa qasan kadib markii xalay halkaasi ay la wareegeen maleyshiyaad deegaanka ah, kuwaas oo kasoo horjeeday joogitaanka Somaliland.
Dagaal culus oo xalay ka dhacay Laascaanood ayaa sababay in ciidamada Somaliland lagu khasbo inay magaalada isaga baxaan, inkast0o ay ku sugan yihiin magaalada duleedyadeeda.
Lama saadaalin karo xaaladdu siday...
Labo Qarax bumbo-gacmeed ayaa caawa ka dhacay afafka hore ee hotel Ku yaalla magaalada Boosaaso oo lagu magacaabo Jaabir.
Falkaan ayaa dhacay xilli uu hotelka ka socday kulan maamulku soo qaban qaabiyay oo lagu taageerayay doorashada golayaasha deegaanka Puntland.
Illaa iyo hadda lama sheegin wax khasaare ah oo ka dhashay bombo...
Saddex dhallinyaro ah oo katirsanaa kooxda Alshabaab ayaa iskusoo dhiibay ciidamada nabad sugida iyo sirdoonka ee NISA ee ku sugan degmada Xuddur ee gobolka Bakool.
Cabdillaahi Macalin Ibraahim oo katirsan dhallinyarada isisoo dhiibtay, oo la hadlay warbaahinta dowladda, ayaa sheegay in lagu qalday in waxbarasho la siinayo, kaddibna lagu tashkiiliyay...
Madaxweynaha Somaliland ayaa isku badal, xil ka qaadis iyo magacaabis ku sameeyay, qaar kamid ah wasiirada xukuumadiisa.
Madaxweynaha ayaa xilkii ka qaaday Wasiirkii Howlaha Guud iyo Guryaynta Somaliland Cabdillaahi Abokor Cismaan, isaga oo xilka wasiirnimo u magacabaay wasiirkii wasaarada shaqo-galinta iyo arrimaha bulshada Mustafe Maxamuud Cali Bile (Godane).Madaxweynaha ayaa Wasaaradda...
Maamulka gobolka Hiiraan ayaa goordhaw war kasoo saaray qaraxyadii Ismiidaaminta ahaa ee saakay aroornimadii hore ka dhacay magaalada Maxaas ee gobolka Hiiraan ee geystay khasaaraha in ka badan 15 ruux oo dhimasho ah iyo dhaawac intaasi ka badan.
Warka kasoo baxay maamulka gobolka ayaa ugu horeyn Tacsi tiraanyo leh waxaa...
Wasiirka warfaafinta maamulka Puntland, Eng. Maxamuud Caydiid Dirir ayaa been abuur ku tilmaamay warqad kasoo baxday qaar kamid ah odayaasha dhaqanka ee SSC, taasoo dhawaan lagu magacaabay hoggaanka Khaatumo.
Wasiirka warfaafinta Puntland oo maanta Garowe kula hadlay warbaahinta ayaa fidno ku tilamamay go’aanka kasoo baxay odayaasha dhaqanka SSC. Isagoo sheegay...
Wararka naga soo gaaraya degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in aroornimadii hore ee saakay halkaasi ay ka dhaceen laba qarax oo Ismiidaamin ah oo geystay khasaare kala duwan oo isugu jira dhimaasho, dhaawac iyo burbur hantiyadeed.
Qaraxyadaan ayaa la sheegay in ahayeen kuwa loo adeegsaday laba baabuur oo...
Dabley aan haybtooda la garanayn ayaa Gaalkacyo ka geystay tacshiirad ay ku geeriyoodeen labo qof oo shacab ah, halka saddex kalena ay ku dhaawacmeen.
Falkaan oo dhacay xalay ayaa lagu dilay Burhaan Jaamac Cimi iyo Farxaan Nasar, waxaana la sheegay in lagu dilay goob ganacsi oo ay ku sugnaayeen.
Ma jirto...

















