Thursday, August 27, 2026
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa jawaab adag ka bixiyay hadal Shalay kasoo yeeray Afhayeenka kooxda Al-shabaab Cali Dheere oo u muuqday hanjabaad ku socotay Bangiyada iyo Shirkaddaha Soomaalida. Wasiir Axmed Macalin Fiqi ayaa bartiisa gaarka ah ee Facebook soo dhigay qoraal uu ku sheegayo...
Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa maantay 5 sano oo xabsi ciidan ah ku ridday odayaal dhaqameed Alshabaab heshiis kula soo galay degmada Xarardheere ee g0bolka Mudug. Odayaashaan ayay ciidamada amniga Cadaado kasoo xireen December 27-keedii ee Sanadkii tagay, kaddib markii ay jebiyeen amar dowladda kasoo baxay oo ahaa...
Madaxweynaha dowladda federalka Soomaaliya Xasan Sheikh maxamuud ayaa sheegay in lasoo bandhigidoono malaayiin dollar oo Alshabaab ugu xaraysnaa akoono maaliyadeed oo ay dowladdu xirtay. Madaxweyne Xasan Sheikh ayaa sheegay arrintaan inay qeyb ka tahay dagaalka dowladda kula jirto Alshabaab oo uu sheegay inuu yahay mid ficil ah. "Dowladdu mar dhow way...
War goor dhaweyd kasoo baxay dowladda Itoobiya gaar ahaan Wakaaladda maamulka Warbaahinta Itoobiya ( Ethiopian Media Authority) ayaa lagu sheegay in shaqadii laga joojiyay dhammaan Warbaahinta laga leeyahay dalka dibaddiisa ee aan wax fasax ah ka haysan Wakaaladdan, isla markaana ka howlgala gudaha degaanka Soomaalida. Warqadda kasoo baxday Wakaaladda maamulka...
Farxiyo Cabdi Waasuge oo ahayd wasiiru dowlihii wasaaradda gaaadiidka iyo duulista hawada Galmudug ayaa caawa lagu dilay magaaalda Muqdisho. Dilkeeda ayaa ka dhacay degmada Warta Nabadda, waxaana ka dambeeyay kooxo ku hubaysnaa bislood. Marxuumaddu waxay ka mid ahayd wasiirradii dhawaan la magacaabay. Muddo kooban ayay xafiiska joogtay. Lama garanayo cidda dilkeeda ka...
Shir ay aayahooda siyaasadeed kaga tashanayaan madaxda dhaqanka gobolada Sool iyo qaybo kamid ah Sanaag iyo Cayn, ayaa maanta ka furmay magaalada Laascaanood. Shirkan oo maalmihii lasoo dhaafay ay qaban qaabadiisu ka socotay magaalada Laascaanood ayaa hada furmay, madasha uu shirku ka dhacayo ayaa lagu sharaxay calamada Soomaliya iyo ka...
Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa sheegay in ka gole ahaan ay ka howlgalayaan xalinta khilaafka Laascaanood, isaga oo dhanka kale sheegay in anay ahayn arrin isaga dusha ka saaran. Guddoomiyaha ayaa xili maanta warbaahintu su'aalo ka waydiisay xaalada gobolka Sool, ku jawaabay hadalo iska hor imanaya, isaga...
Wasiirka maaliyadda ee xukuumadda Soomaaliya Dr.  Cilmi Maxamuud Nuur ayaa dalka Senegal kulan kula qaatay Madaxweynaha Bangiga Horumarinta Afrika (AfDB) Dr. Akinwumi Adesina iyo xubno sare oo ka tirsan Bangiga. Dr. Cilmi ayaa madaxweynaha Bangiga la wadaagay warbixin ku saabsan dhaqaalaha Soomaaliya iyo horumar laga gaaray arrimaha dib-u-habeynta dhaqaalaha iyo...
Garaadka Guud ee Beelaha Gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn Garaad Jaamac Garaad Cali, ayaa sheegay in uu rabo in dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti ay soo faragaliyaan arrinta Laascaanood. Garaad Cali oo waraysi siiyay Brit Somali TV, ayaa sheegay in uu Soomaaliya iyo Jabuuti ka codsanayo in ay soo kala gaadhaan...
Guddiga ku meel gaarka ah ee doorashooyinka kuraasta ka banaan Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa Maanta shaaciyay Jadwalka qashada kursiga tirsigiisu yahay HOP#147 oo deegaan doorashadiisu tahay magaalada Dhuusamareeb, kaasoo ka mid ah kuraasta ka banaaneyd Golaha Shacabka. Guddiga ayaa shaaciyay in Maalinta berito ay bilaabaneyso diiwaan gelinta,...