Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda FS ,saraakiil iyo marti sharaf kale ayaa manta ka qeybgalay xaflad ballaatan oo lagu maamuusaayey xuska maalinta ciidanka badda Soomaaliya oo ahmiyad gaar ah u leh dadka iyo dalka.
Xuska sanadkaan oo ku soo beegmay sanadguurada 58 ee ka soo wareegatay aasaaska ciidanka badda ,waxaana ka...
Madaxa Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa ugu baaqay beesha caalamka in ay lacag badan ku bixiyaan gurmadka loogu talagalay dadkii ku waxyeeloobay dhulgariirkii ka dhacay Turkiga iyo Suuriya.
Madaxa Qaramada Midoobay ayaa sidoo kale ku dhawaaqay shir deeq ah oo dhacaya todobaadka soo socda,kaas oo ay isugu imaan doonaan dalalka...
Ciidamada dowladda Soomaaliya oo kaashanaya kuwa dadka deegaanka ayaa Maanta kooxda Al-shabaab kala wareegay deegaanka Doonyaale oo ka tirsan gobolka Mudug ee maamulka Galmudug.
Ciidamada is garabsanaya ayaa la sheegay iney dagaal culus kula wareegeen deegaanka Doonyaale oo u dhaxeeya magaalooyinka Camaara iyo Bacaadweyn ee gobolka Mudug, waxaana la tilmaamay...
Guddoomiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe, ayaa xukuumada Somaliland ugu baaqay in ay ku dhawaaqdo xabad joojin hal dhinac ah.
Qoraal uu guddoomiye Waraabe ku baahiyay bartiisa Twitterka, ayuu xukuumada kaga dalbaday in ay dhankeeda xabad joojin ku dhawaaqdo, ayna samayso dadaalkasta oo lagu xaqiijinayo nabada.
"Si loo dhameeyo xiisadda Laascaanood,...
Madaxweyneyaasha Kenya iyo Eritrea oo kulamo kala duwan maalmihii lasoo dhaafay ku lahaa magaalada Nairobi ayaa waxa ay isla gorfeeyeen arimo badan oo muhiim u ah labada dal.
Labada Dowladood Madaxweynayaashooda ayaa ku heshiiyay qodobo ay kamid yihiin sidii loo fudeyn lahaa socdaalka iyo xiriirka ganacsiga labada wadan ee Kenya...
Afar qof oo Soomaali ah ayaa lasoo saarey maydkooda 24-kii saac ee lasoo dhaafay, kadib markii ay ku dhinteen dhul gariirkii Isniintii ka dhacay dalka Turkiga.
Dowladda Turkiga ayaa wali wadda dadaallada ay kusoo saarayaan maydadka ku hoos jira guryaha dumay.
Waxaa adag xaaladda dalkaasi, waxaana dhimashada la sheegayaa inay dhaaftey...
Ciidamada Booliiska Saldhiga degmada Dharkeenleey ee gobolka Banaadir ayaa gacanta kuso dhigay rag burcad ah oo kaarar been abuur ah ku dhacayay dadka barakacayaasha ah ee ku nool duuleedka magaalada Muqdisho.
Ragaan ay gacanta kusoo dhigeen Booliiska degmada Dharkeenleey oo ah sadax ruux ayaa war qoraal ah oo kasoo baxay...
Ururka Al-shabaab ayaa iska fogeeyay sheegashada Soomaaliland ee la xariirta in dagaalamayaal ka tirsan kooxda Al-shabaab qeyb ka yihiin dagaalka ka socda magaalada laascaanood ee xarunta gobolka Sool.
Al-shabaab ayaa war qoraal ah oo ay soo saartay si adag u beenisay hadalka Soomaaliland ee ah in dagaalyahanadeeda qeyb ka yihiin...
Ciidamada maamulka Jubbaland ayaa degmada Afmadoow ee gobolka Jubbada Hoose ka bilaabay dhaqdhaqaaqii ugu dambeeyay ee ku aadan qorshaha labaad ee howlgalada ka dhanka ah Al-shabaabka ku sugan deegaanada Jubbaland.
Saacadahii lasoo dhaafay waxaa degmada Afmadoow la dajiyay ciidamo farabadan oo laga qaaday degmada Dhoobleey, kuwaas oo ka mid noqonaya...
Ciidanka Booliska Saldhigga Deegaanka Ceelasha Biyaha ayaa qabtay 3-daan nin oo la sheegay inay ka kamid ahaayeen ciyaal-weerada dadka shacabka ah dila, kuwaas oo dhaawac u geystay ruux muwaadin ah, kadibna ka dhacay dhamaan waxyaabihii uu watay.
"Ciidanka Booliska deegaanka Ceelasha ayaa Dhamaantood kusoo xiray Saldhigga Deegaanka Ceelasha Biyaha, waxaana...


















