Maamulka magaalada Laascanood ee – gobolka Sool ayaa ku eedeeyay ciidanka Somaliland inay qafaasheen dad aan qeyb ka aheyn dagaalka socda.
Magaalada Laascanood waxaa ka sii socda wali dagaalka u dhaxeeya Somalilanad iyo kooxaha Kacdoonka ee diidan maamulka Somaliland.
Dhanka kale waxa isa soo taraya baaqyada nabadeed ee loo jeedinayo dhinacyada wali isku haya magaalada Laascanood oo ka dhaqan gali la’ xabad joojin.