Dowladda Federalka oo taageero dhaqaale Gaarsiisay dowladda Turkiga Dhibaatadii Dhul gariirka awgeed.

0
606

Munaasibad ka dhacday xarunta Tiyeetarka Qaranka oo ay soo agaasimeen guddiga gurmadka walaalaha Turkiga, ayaa Xukuumaddu ku wareejisay lacag dhan $4,818,477 dollar, una dhiganta ku dhawaad 100 milyan oo lacagta Turkiga ah ee Lira taasi oo laga soo uruuriyey shacabka Soomaaliyeed, 20-kii maalmood ee lasoo dhaafay.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa shacabka Soomaaliyeed iyo guddigii gurmadka walaalaha Turkiga uga mahad celiyey garab istaaga qiimaha badan ee ay u sameeyeen walaalahooda Turkiga oo dhibaato wayn ka soo gaadhay musiibadii dhulgariiradii is xig-xigay.

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa balan qaaday in Gobalka Banaadir ku dari doono inta ka dhiman  shanta milyan.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in tani ay adduunka tusayso in shacabka Soomaaliyeed markooda u gurman karaan cid kasta oo garab uga baahata xilliyada adag, Isagoo markale dowladda iyo walaalaha Turkiga uga tacsiyadeeyey dadkii tiradda badnaa ee ay ku waayeen musiibadii dhul gariiradii is xig-xigay ee ka dhacay dalkaas.