Thursday, August 27, 2026
 Guddiga la-dagaalanka Lacag dhaqidda & Ka-hortagga Maalgelinta waxa loogu yeero Argagixisada ee dowladda Soomaaliya ayaa shacabka ku wargaliyay in ay ka fogaadaan tallaabo kasta oo caawin karta kooxda Alshabaab. Warsaxaafadeed ay guddigan soo saareen ayay ku sheegeen inay dowladdu la wareegeyso si waafaqsan sharciga ka hortaga lacag dhaqida & La-dagaalanka...
Wasiirka Arrimaha Dibbada Somaliland Ciise Kayd Maxamuud, ayaa sheegay in uu rajo ka qabo in xabad joojinta ay xukuumadu ku dhawaaqday ay suuragalin doonto in colaada Laascaanood wadahadal lagu dhameeyo. Wasiir Kayd oo warbaahinta kula hadlay Afka Ingiriisiga, ayaa sheegay  in xabad joojintu ay suuragalin doonto in khilaafka wadahadal lagu...
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo duhurnimadii Maanta ka dhacay deegaanka Qeycad oo ka mid ah deegaanada hoostaga magaalada Bacaadweyn ee gobolka Mudug. Dagaalka ayaa yimid kadib markii ciidamada dowladda Fedaraalka iyo kuwa maamulka Galmudug ay weerar ku qaadeen fariisin halkaasi ku lahayeen kooxda Al-shabaab oo mudooyinkii...
Dowladda Soomaaliya ayaa soo bandhigtay Salmaan Daadir, oo lagu sheegay Khabiir dhanka qaraxyada Al-shabaab u qaabilsanaa, kaasoo oo lagu qabtay meel u dhow magaalada Camaara ee gobolka Mudug. Sida ay sheegeen saraakiisha ciidanka amniga oo la hadlay warbaahinta dowladda, ninkaan ayaa la qabtay xilli uu waday walxaha qarxa. Qabashadiisa ayaa kusoo...
QM ayaa raadineysa 2.6 bilyan oo dollar si loogu caawiyo 8 milyan oo qof oo ku nool Soomaaliya iyadoo sheegtay dalku inuu mar kale qarka u saaran yahay macaluul laga bilaabo Abriil ilaa Juunyo ee sannadkan. Adam Abdelmoula oo ah isku duwaha xafiiska gargaarka bini'aadantinimo ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya,...
Iyadoo mudooyinkii lasoo dhaafay ay jirtay cabasho aad u xoogan oo ay dadka shacabka ah ka muujiinayeen howlaha shaqada CID-da ee xarunta magaalada Muqdisho ayaa Taliyaha cusub ee ciidanka Booliiska Soomaaliya Jenaraal Sulub Axmed wuxuu sheegay inuu xaliyay caqabadahii dadka shacabka ah ka haystay shaqada CID-da. Wuxuu tilmaamay Taliyaha Booliiska...
Maalintii 7aad, magaalada Laascaanood waxaa ka socda dagaal culus oo u dhaxeeya ciidamada Somaliland iyo kuwa SSC, iyadoo weli magaalada ay ku socdaan madaafiic ku dhacaysa xaafadaha iyo goobaha dadweynaha. Dagaalka ayaa maanta ka socda goobihii horey loogu dagaalamay ee duleedka Laascaanood, waxaana jira khasaare dhimasho iyo dhaawac leh oo...
Wararka ka imaanaya Jubbaland ayaa sheegaya in ciidanka xoogga dalka iyo kuwa Jubbaland ay saakay la wareegeen saldhig weyn oo Alshabaab ku lahayd degaanka Qunbi ee gobolka Jubbada Hoose. War kasoo baxay wasaaradda amniga Jubbaland ayaa lagu sheegay in ciidanku ay dagaal kula wareegeen saldhiggaan oo la sheegay inuu ahaa...
Kadib kulan dhexmaray Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, iyo 10 ka rurur siyaasadeed, ayaa laga soo saaray in colaada Laascaanood wadahadal lagu dhameeyo iyo in xabad joojinta la taageero. Waxa lagu heshiiyay in waxkasta oo khatar ku ah jiritaanka Somaliland si midaysan looga hortago, in xaalada Laascaanood lagu soo dabaalo...
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo ku dhexmaray deegaanka Ceel bacad ciidamada dowladda Fedaraalka Soomaaliya iyo kuwa dadka deegaanka oo dhinac ah iyo kuwa Ururka Al-shabaab. Dagaalka ka dhacay Ceel bacad ayaa yimid kadib markii dagaalamayaal ka tirsan kooxda Al-shabaab ay weerar ku qaadeen Saldhiga deegaanka Ceel...