Maamulka Puntland oo ku dhawaaqay in ay qabanayaan Shir weyne Caalami ahoo ku saabsan…

0
464

Wasiirka Wasaarada Ganacsiga ee Maamulka Puntland Cabdalle Cali Maxamed Xaashaawe oo oo warbaahinta kula hadlay magaalada Garoowe ayaa sheegay in ay qabanayaan Shir weyne Caalami ah oo ku saabsan Maal-gashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Puntland

Wasiirka  Ganacsiga  Maamulka Puntland Cabdalle Cali Maxamed Xaashaawe  ayaa sheegay in Shirkan  la qaban doonno  13- illaa 15 bishaan Maarso .

Wasiirka   ayaa sidoo kale Tilmaamay in Shir weynaha oo ka furmi doona Garoowe ay ka qayb geli doonnaan Wufuud Caalami ah oo ka kala imaanaya dalalka Maraykanka iyo Shiinaha.

Wasiirka ayaa sidoo kale xusay in Ujeedka Shirweynaha  loo qabanayo ay tahay in la helo cid Aqoon iyo dhaqaale ku maalgelisa Khayraadka dihin ee Puntland .