Wednesday, August 26, 2026
Ugu yaraan 19 oo muhaajiriin ah oo ka soo jeeda dalalka saxaraha ka hooseeya ee Afrika ayaa dhintay kadib markii ay doontii ay kaga gudbi lahaayeen badda Mediterranean-ka kuna gaaraan Talyaaniga ay ku degtay xeebaha Tunisia, sida ay Axadda maanta ah sheegtay koox u doodda xuquuqda aadanaha. Afartii cisho ee...
 Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Axada maanta ah waxa uu gaaray degmadda Aadan-yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Madaxtooyadda Soomaaliya oo qoraal ka faafisay socdaalkan ayaa ku tilmaamtey “in madaxweynaha uu u kuur galayo xaalada deeganadii laga xoreeyay Khawaarijta”. Xasan Sheekh oo uu wehlinayo Madaxweynaha dowlad goboleedka Hir-shabeelle mudane Cali Guudlaawe Xuseen...
DAAWO; Jamaahiirta SSC Oo Diiday Wajiga Muuse Biixi,Halka Xasan Sheekh Amar UU Siiyay Xilibaanada BFS HOOOS KA DAAWO https://youtu.be/bzzlRApwZ6c       
Saraakiil Itoobiyaan oo ay ka mid yihiin General Tesfaye iyo saraakiil kale ayaa maanta gaaray magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan. Safarka saraakiisha ayaa lagu sheegay mid loogu kuurgalayo sidii ciidanka Itoobiya  qeyb uga noqon lahaayeen howlgalka ka dhanka ah kooxda Alshabaab. Ciidamadan Itoobiyaanka oo ah kuwo ka baxsan ciidamada ATMIS...
Guddoomiyaha Gobobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo shir jaraaid ku qabtay xarunta Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ayaa ka warbixiyay safar shaqa oo maalmihii lasoo dhaafay uu ku joogay Boqortooyada Saudi Arabia, kadib casuumaad rasmi ah oo uu ka helay Amiirka Magaalada Riyaad. Madaale ayaa...
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal Xalay ku dhexmaray duuleedka degmada Deyniile ee magaalada Muqdisho, gaar ahaan halka loo yaqaano beerta Cali Mahdi ciidamada Booliiska sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad iyo kuwa kooxda Al-shabaab oo halkaasi xarumo ku lahaa. Dagaalka ayaa yimid kadib markii ciidamada Haramcad weerar...
Madaxweynaha maamul goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, Axmed Madoobe ayaa shir gudoomiyay Kulanka golaha wasiirada Jubbaland oo looga hadlay qodobo kala duwan. Kulanka golaha Wasiiradda Jubbaland ayaa si qota dheer looga hadlay xaalada amniga guud iyo dagaalada dib u xuraynta ee ka socda Inta badan deegaanada iyo degmooyinka Jubaland oo...
Dowladda Itoobiya ayaa maanta u magacowday Getachow Reda inuu noqdo Madaxweynaha ku-meel gaarka ah ee gobolka Tigray, sida lagu sheegay war goor dhaweyd kasoo baxay Xafiiska Ra'iisal Wasaare Abiyi Axmed. Getachow Reda oo horey xilal kala duwan uga soo maray dowladda Itoobiya ka hor colaaddii dhex martay TPLF iyo dowladda...
 DAAWO;Arrin ar gagax ah oo lagu arkay dadka kusoo dhaawacmay Laascaanood ee Muqdisho la keenay & Al shabab oo jab xoog leh.. https://youtu.be/AI0wP-xr7ac       
Wasiiru Dowlaha Amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cali Xagaa iyo Taliyaha Booliiska Soomaaliyeed General Sulub Axmed Firin ayaa ka qeyb galay Munaasabad Safaaradda Talyaanigu ku Wareejisay Gaadiid dowladda Talyaanigu ugu deeqday Ciidamada Boliiska. Taliyaha Booliiska Soomaaliyeed General Sulub Axmed Firin oo ka hadlay munaasabadda ayaa uga mahadceliyay Dowladda Talyaaniga taageerada...