Masuul ka tirsan maamulka Soomaaliland oo sheegeey in dagaalka laascaanood ay ku lug laayihiin kooxaha loogu yeero argagaxisada.

0
200

Magaalada laascaanood oo dhowrkii tobobaad ee la soo dhaafay ay ka dhacayeen dagaalo u dhaxeeya ciidamada Soomaaliland iyo kuwa deegaanka ee SSC la magac baxay ayaa daganeed sadaxdii maalmod ee la soo dhaafay hasayeeshee waxaa jira wali hadalo xanaf leh oo ay dhinacyadu warbaahinta isku marinayaan.
Masuliyiin ka tirsan maamulka Soomaaliland ayaa dhowr jeer warsaxaafadeedyo kala duwan oo ay soo saareen waxa ay ku sheegeen in dagaalka laascaanood ay ku lug laayihiin kooxaha loogu yeero argagaxisada.Ciidamada dowlada fadaraalka ah ee soomaaliya iyo maamulka Puntaland inkasta oo garaadada fadhigoodu yahay laascaanood ay warkaasi beeniyen.
Gudoomiyiaha xisbiga mucaaradka ah ee ucid Eng Faysal cali waraabi oo maanta warbaahinta kula hadlay magaalada hargaysa kala hadlay arinta laascaanood ayaa sheegay in dagaalka ka dhacay magaaladaasi u yahay mid in muddo ah la qorsheynayay waxaana uu tilmaamay in qorshahaasi ay iska gaashanayaan gudi ka kooban 21-xubnood oo ka soo jeeda beesha daarood ay ka midyihiin madaxweynihii hore ee Soomaaliya maxamed Cabdullahi Farmaajo.Madaxweynihii hore ee puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas. Siyaasiga reer Kenya Faarax Macalin Dawaar.Cumar Cabdirashiid cali Sharmaake iyo siyaasiin kale.waxaana uu sidoo kale xusay in ciidamada lagu soo tababaray dalka elatariya uu qorshahoodu ahaa in lagu baa,biyo soomaaliland sidda uu hadalka u dhigay.
Shacabka ka soo jeeda Deegaanada maamulka soomaliland ayuu Faysal Cali waraabi ugu baaqay in ay Taageeraan ciidamada isga oo sidoo kalana carabka ku dhiftay inaan soomaaliland wali dagaal looga guuleysan