Dagaallada ayaa waxaa ay sigaar ah uga kala dhaceen Saldhigyada Ciidamada dowladda ku leeyihiin Mukayga iyo Haanta-dheer ee degmada Afgooye iyo degaanka Shareey ee Gobolkaasi Shabeellaha Hoose kadib markii ay weerareen Al-Shabaab.
Saraakiil katirsan Ciidamada xoogga dalka ayaa waxaa ay sheegeen in khasaaro xoogan ay ku gaarsiiyeen dagaalkii ay la galeen Al-Shabaab, waxaana wararka aan helnay ay sheegayaan in dagaallada uu ku dhintay hal askari oo katirsan Ciidamada dowladda Soomaaliya.
Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya Goobihii lagu dagaalamay ayaa sheegaya in xaaladu ay tahay mid degan, isla markaana ay gacanta kuhayaan Ciidamada dowladda Soomaaliya.