Illaa 19 xubnood oo uu ku jiro Guddoomiyaha Xisbiga Wadajir OO iska casilay xubinnimada Xisbiga Wadajir

0
186

Xubnaha is-casilay ayaa waxay isugu jiraan aas aasayaal, qaar ka tirsan Guddiga Fulinta iyo xubno Xisbiga ka tirsanaa.

Illaa 19 xubnood oo uu ku jiro Guddoomiyaha Xisbiga Wadajir Saciid Goosh ayaa iska casilay xubinnimada Xisbiga Wadajir oo ka mid ah asxaabta Siyaasadda Soomaaliya.

Dadkan iscasilay ayaa qaarkood xilal ka haya xukuumadda iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ee madaxweyne Xasan Sheekh.

Sababaha ay isku casileen waxey ku sheeeen arrimo iyaga gaar ah balse waxaa muuqata inuu jiro cadaadis iyo ballan qaadyo ay ka heleen dowladdan