Mas'uuliyiinta Yemen ayaa masaafuriyay wakiilkii ganacsiga ee Somaliland u fadhiyay dalkaas, Idiris Aadan Raage, kadib markii uu in ka badan laba bilood ku xirnaa magaalada Cadan, sida ay sheegeen ilo Yemeni ah iyo warbaahinta Soomaaliyeed.
Wararku waxay sheegayaan in Raage laga sii daayay xabsiga ka hor inta aan laga dhoofin...
Madaxweynaha Soomaaliya, Hassan Sheikh Mohamud, ayaa kulan kula yeeshay Madaxtooyada hoggaamiyaha dhaqanka beesha Xawaadle, Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan Ugaas Khaliif, iyo siyaasiyiin sare oo ka tirsan beeshaas, iyadoo looga hadlay hoggaanka xiga ee Dowlad Goboleedka Hirshabeelle.
Sida ay sheegeen ilo xog-ogaal u ah wadahadallada, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa toddobaadkii hore...
Dowladda Turkiga ayaa sheegtay in bilaha soo socda la filayo inay Soomaaliya yimaadaan maraakiib kalluumeysi oo Turki ah, iyadoo sheegtay in tallaabadaasi ay qayb ka tahay dadaallada lagu horumarinayo dhaqaalaha badda ee Soomaaliya.
Safiirka Turkiga ee Soomaaliya Alper Aktaş ayaa hadalkan ka sheegay Shirkii ugu horreeyay ee Badaha Soomaaliya (Somalia...
Culimo ka timid Puntland oo wada dadaallo lagu dhex-dhexaadinayo Somaliland iyo Maamulka Waqooyi Bari ayaa sheegay inay rajaynayaan in lagu guulaysto heshiis nabadeed oo waara, kaas oo saldhig u noqon kara is-weydaarsiga maxaabiista, kala qaadista ciidamada iyo dib u furista isu-socodka shacabka.
Culimada ayaa sheegay inay soo dhawayn diirran ka...
Dowladda UK ayaa furtay codsiyada deeqaha waxbarasho ee Chevening Scholarships ee sanad-dugsiyeedka 2027/2028, kuwaas oo siinaya xirfadlayaasha Soomaaliyeed fursad ay ku qaataan shahaadada mastarka oo si buuxda loo maalgeliyey jaamacadaha ugu sarreeya ee UK.
Barnaamijkan ayaa ujeeddadiisu tahay in la horumariyo aqoonta, xirfadaha iyo xiriirrada caalamiga ah ee hoggaamiyeyaasha soo...
Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay jadwalka rasmiga ah ee doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka, iyadoo la bilaabay diiwaangelinta musharraxiinta doonaya xilkaas.
War-saxaafadeed kasoo baxay guddiga ayaa lagu sheegay in diiwaangelinta musharraxiinta ay ka bilaaban doonto xarunta Villa Hargeysa 5 iyo 6-da Agoosto 2026, halka...
Hoggaamiyaha Xisbiga Towfiiq, Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan, ayaa sheegay in xisbigiisu uusan aqbali doonin, isla markaana uusan aqoonsan doonin natiijo kasta oo wax laga beddelo doorashadii qof iyo cod ee ka dhacday deegaannada Galmudug.
Shir jaraa’id oo uu qabtay ayuu Sheekh Shaakir ku sheegay in ururrada siyaasadeed ay u...
Ururka African Communities Together iyo dacwoodayaal kale ayaa ku eedeeyay maamulka Madaxweyne Donald Trump inuu ku takooray dadka Soomaaliyeed asal ahaan iyo jinsiyaddooda, iyagoo sheegay in go'aanka lagu joojinayo Temporary Protected Status (TPS) uu jebinayo Wax-ka-beddelka Shanaad ee Dastuurka Mareykanka.
Dacwadda ayaa sheegaysa in maamulka uu hore u sii go'aamiyay...
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, iyo wafdi ballaaran oo ay ka mid yihiin wasiirro ka tirsan xukuumadda ayaa maanta gaaray magaalada Laascaanood, halkaas oo si diirran loogu soo dhaweeyay.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa Garoonka Diyaaradaha Laascaanood waxaa ku qaabilay mas'uuliyiin heer deegaan ah, odayaal, qeybaha bulshada iyo Madaxweynaha maamulka Waqooyi...
Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta si rasmi ah u furay kalfadhiga 8-aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, isaga oo khudbad uu ka jeediyay fadhi wadajir ah oo ay yeesheen Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare kaga hadlay xaaladda guud ee dalka, amniga, doorashooyinka, dib-u-eegista dastuurka iyo siyaasadda arrimaha dibadda.
Madaxweynaha...


















