Thursday, May 1, 2025
Howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa la sheegay inuu baahan yahay 8,000 oo askari oo dheeraad ah si ay gacan uga geystaan ​​la dagaallanka kooxda Al-Shabaab, iyadoo Burundi la filayo in ay kala baxdo ciidamadeeda Soomaaliya. Ergooyin ka kala socday dalalka Jabuuti, Itoobiya, Masar, Kenya, Uganda, Soomaaliya, Midowga...
Wasaaradda arrimaha gudaha ee dowlad goboleedka Jubbaland ayaa war ay soo saartay waxa ay ugu baaqday shacabka Jubbaland in aan lagu marin habaabin qaadashada aqoonsiga Qaranka ee dhawaan ay hirgelisay Wasaaradda arrimaha Gudaha Soomaaliya. Wasaaraddu waxay cadeysay in sharci kasta ama hindise aan si wada jir ah loogu heshiin uusan...
Sanduuqa Kuwait ee Horumarinta Dhaqaalaha Carabta (KFAED) ayaa heshiis deeq maaliyadeed la saxiixday Xafiiska Qaramada Midoobay ee Xiriirinta Arrimaha Bani’aadantinimada (OCHA), kaasoo ku kacaya $2.5 milyan oo lagu taageerayo Sanduuqa Bani’aadamnimada Soomaaliya. Heshiiskaan oo la saxiixay shalay oo Khamiis ahayd ayaa socon doono inta lagu guda jiro 2025-2026 waxaana saxiixay...
Guddoomiyaha midowga Afrika Maxamuud Cali Yuusuf oo la hadlayay ka qeyb galayaasha wadamada ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya (TCC) ayaa carabka ku adkeeyay in Soomaaliya ay wali u baahan tahay taageerada wadamada Midowga Afrika. Guddoomiye Maxamuud ayaa qiray inay jiraan horumar ay Dowladda Soomaaliya ka sameysay dagaalka ay kula jirto...
Wasaaradda Warfaafinta ee Soomaaliya ayaa sheegtay in In ka badan 40 xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab lagu dilay hawlgalo qorsheysan oo ka dhacay deegaannada Wargaadhi iyo Labigoley ee gobolka Shabeellaha Dhexe. war saxafaadeedka kasoo baxay wasaaradda ayaa shaaca looga qaaday in Hawlgalkaan uu yimid kadib markii Al shabaab ay isku...
Ra'iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta oo Khamiis ah waxa uu shir Guddoomiyay Shika Golaha Wasiirrada Xukuumadda Soomaaliya oo intiisi badan warbixino dhinaca ammaanka ah lagu falanqeeyay, sidoo kale lagu ansixiyay Hindise-Sharciyeed. Golaha Wasiirrada ayaa ansixiyey Hindise-Sharciyeedka wax ka beddelka Sharciga Shaqaalaha Rayidka ah ee dowladda oo...
Maamulka Puntland ayaa ku eedeeyay Somaliland in laba doonyood oo ay lahaayeen ganacsato reer Puntland ah ay ka afduubatay xeebaha degmada Laasqoray ee gobolka Sanaag. Eedeyntan ayaa jeediyay guddoomiyaha degmada Laasqoray ee Puntland, isagoo sheegay in ka xun yihiin falkaan, balse dhinaca kale sheegay in ay socdaan dadaallo lagu doonayo...
Wararka ka imaanaya Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in dagaal culus uu saakay ku dhex maray degaanka Wargaadhi ciidamada Dowladda iyo kuwa Al shabaab. Weerar Qaraxyo ku bilawday ay ku qaadeen salaadii subax kadib dagaalamayaasha Al shabaab deegaanka Wargaadhi oo ah Talis weyn oo laga hagaayay dagaalka ka dhanka ah...
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xaqiijisay in Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, uu ka qeyb geli doono shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee lagu qabanayo magaalada Muqdisho. Sida uu sheegay mas’uul sare oo ka tirsan dowladda, Madaxweynaha Puntland ayaa si rasmi ah horey loogu diray casuumaad, si uu uga mid noqdo hogaamiyeyaasha...
Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka (SoDMA), Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta magaalada Gaalkacyo ee Dowlad Gobolleedka Galmudug ka daah-furay Shirka Madasha Arrimaha Bani’aadannimada Soomaaliya (CHF -2025) oo looga hadlayo xoojinta iskaashiga dhinacyada ka shaqeeya gargaarka, raadinta xal waara oo ku aaddan la qabsiga isbeddelka cimilada iyo xoojinta hannaanka gurmadka deg-degga...