Natiijada Imtixaanka Shahaadiga ee 2025-2026 oo Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare Soo Bandhigtay.

0
194

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay natiijada Imtixaanka Qaranka ee Fasalka 12-aad ee sannad-dugsiyeedka 2025/2026, iyadoo in ka badan 40 kun oo arday ay ku guuleysteen imtixaanka.

Natiijada ay Wasaaraddu shaacisay ayaa muujinaysa in imtixaanka ay u fariisteen 42,916 arday, kuwaas oo 40,037 arday ay ku guuleysteen, halka 2,879 arday ay ku dhaceen.

Ardayda kaalmaha ugu sarreeya galay ayaa kala ah: Kaalinta 1-aad: Maxamed Ciise Daahir Yuusuf, oo helay 94.14%, kana mid ah ardayda wax ka barata Dugsiga Howl-wadaag ee Gobolka Banaadir, Kaalinta 2-aad: Farxiya Faarax Cumar Cigaal ayaa gashay halka Kaalinta 3-aana ay gashay Aamina Khaalid Cabdalla.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa ballanqaaday in dowladda Soomaaliya ay dabooli doonto dhammaan kharashaadka waxbarasho ee saddexda arday ee kaalmaha ugu sarreeya ka galay imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiyada sare ee dalka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa khadka telefoonka kula xiriiray saddexda arday ee kaalmaha hore ka galay imtixaanka iyo waaliddiintooda, isagoo ugu hambalyeeyay guusha ay gaareen.

Xamsa Cabdi Barre ayaa sidoo kale bogaadiyay dadaalka ardayda, taageerada waaliddiinta iyo kaalinta macallimiinta iyo bahda waxbarashada, isagoo sheegay in guusha ardaydu ay ka dhalatay iskaashi iyo juhdi wadajir ah.

“Waxa aan u hambalyeynayaa macallimiinta, waaliddiinta iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan bahda waxbarashada dalka,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaruhu.

Wuxuu sheegay in waxbarashadu ay tahay tiirka isbeddelka bulshada, isla markaana marka ay dadku wax bartaan ay Soomaaliya u dhowaanayso horumar iyo isbeddel wanaagsan.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Xukuumadda DanQaran ay ka go’an tahay in la yareeyo tirada carruurta Soomaaliyeed ee da’da waxbarashada gaartay balse aan helin fursad ay iskuul ku aadaan.

Ballanqaadka dowladda ee ah in ay maalgelin doonto waxbarashada saddexda arday ee kaalmaha ugu sarreeya galay ayaa ka mid ah tallaabooyinka lagu dhiirrigelinayo ardayda Soomaaliyeed iyo dadaalka loogu jiro horumarinta waxbarashada dalka.