Saturday, September 30, 2023
Wararka ka imaanaya degaanada Dhagaxdheer iyo Daaday oo hoos taga degaanka  Caad ee gobolka Mudug, ayaa sheegaya in halkaasi uu dagaal ka socdo ka dib markii Ciidanka xoogga, daraawiishta Galmudug iyo xoogagga difaaca Shacabka ay weerar dhowr jiho ah ku qaadeen goob Shabaabku isku aruursaneyeen. Dagaalka oo ka socda dhulka...
Raysal wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre oo ka hadlay qarax Ismiidaamin ahaa oo khasaare badan geystay oo Shalay ka dhacay gudaha magaalada Baledweyne. Raysal wasaare Xamse ayaa ugu horeyn ka tacsiyadeeyay dadka Soomaaliyeed ee ku dhintay qaraxa, isagoona eebe uga baryay kuwa dhaawaca ah inuu bogsiiyo. Xamse Cabdi Barre...
Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in weerar lagu qaaday goob kutaala magaalada Ceelbuur oo ay ku shirsanaayeen Horjoogeyaal Alshabaab ah, halkaas oo lagu dilay tiro horjoogeyaal ah. Warka dowladda kasoo baxay ayaa lagu sheegay in Alshabaab ay howlgalkaasi ay ku waayeen  Horjoogayaal uu ku jiray madaxii maaliyadda kooxda Alshabaab  ee gobolka...
Waxaa sii kordhaya khasaaraha uu geystay qarax Ismiidaamin ahaa oo shalay duhurkii ka dhacay gudaha magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan. Qaraxa oo ahaa mid loo adeegsaday gaari xamuul ah oo laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa ayaa ruuxii waday gaariga uu is qarxiyay markii lagu celiyay barkoontarol oo ku taala...
Madaxweynaha dowladda fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kulan kula qaatay aqalka Madaxtooyada maamulka Galmudug ee magaalada Dhuusamareeb guddoomiyaasha Golaha Shacabka iyo Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya iyo Xildhibaano ka tirsan labada Gole oo maanta gaaray Dhuusamareeb. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa guddoonada labada Aqal Sheekh Aadan Madoobe, Cabdi Xaashi...
Wasaaradda deegaanka iyo isbeddelka cimilada ee Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa digniin u dirtay shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa ku nool koonfurta dalka, iyadoo uga digtay khatarta duufaanta ElNino ee ka dhalan kara roobabka xooggan ee la filayo. Wasaaradda ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay, in saadaasha hawada ay muujinayso...
Raysal wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre oo magaalada New York ee dalka Mareykanka kaga qeyb galaya shirka guud ee Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay ayaa halkaasi kulamo kula qaatay qaar ka mid ah madaxda ka qeyb galaysa shirka. Raysal wasaare Xamse ayaa madashada shirka uu ka...
Wafdi ay hoggaaminayaan guddoomiyahaasha Golaha Shacabka iyo Aqalka sare ee Baarlamaanka fedaraalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe iyo Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo ay wehlinayaan Xildhibaano ka tirsan labada gole ayaa goordhaw ka degay magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda maamulka Galmudug. Wafdiga guddoonka labada Aqal ayaa waxaa kusoo dhaweeyay garoonka diyaaradaha...
Hay’adda maaraynta musibooyinka, iyo wasaaradaha u xilsaaran bixinta Gar-gaarka bini’aadanimo ee Dowladda Federaal iyo heer Dowlad Goboleed ayaa si wadajir ah u soo saaray qoraal mamnuucaya ka ganacsiga gargaarka la keeno Soomaaliya. Go’aankan ayaa ka dambeeyay, kaddib markii baaris ay sameysay Qaramada Midoobay lagu ogaaday in xatooyo ba’an loo geysto...
Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Soomaaliya, Saalax Axmed Jaamac, ayaa daah-furay mashruuca ka jawaabidda xasaradaha deg-degga ah iyo baahiyaha maal-gelineed ee xarunta howl-gallada gurmadka deg-degga ah, kaas oo qayb ka ah Hay’adda Maareynta Musiibooyinka ee (SODMA). Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ahna ku simaha raysal wasaaraha ayaa tilmaamay in mashruucani uu muhiim u...