Monday, August 10, 2026
Taliyaha Taliska Ciidamada Mareykanka ee Qaaradda Afrika (AFRICOM), Jeneraal Dagvin R. Anderson, ayaa sheegay in Mareykanku uusan qorsheynayn inuu aqoonsado Somaliland, isagoo caddeeyay in siyaasadda Washington ay weli ku saleysan tahay ixtiraamka madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Anderson ayaa sidoo kale sheegay in Mareykanku uusan wax qorshe...
Hoggaamiyeyaasha dalalka ciidamada ku leh Hawlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasilinta Soomaaliya (AUSSOM) ayaa ku baaqay in Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu muddo 18 illaa 24 bilood ah sii wado taageerada hawlgalka, si looga hortago firaaq amni oo ka dhalan karta dhammaadka taageerada hadda jirta. War-murtiyeedka laga soo...
Alle ha u naxariistee, hobolkii caanka ahaa ee Soomaaliyeed, Axmed Cali Cigaal, ayaa maanta ku geeriyooday dalka Maraykanka, halkaas oo uu muddooyinkii u dambeeyay ku noolaa. Geerida fanaanka ayaa murugo ku abuurtay bahda fanka Soomaaliyeed, qoyskiisa, asxaabtiisa iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ee muddada dheer ku riyaaqsana hal-abuurka iyo...
Madaxweynaha Soomaaliya Hassan Sheikh Mohamud ooa galinkii dambe ee Khamiista gaaray magaalada Kampala ee caasimadda Uganda, ayaa kulan kula yeeshay Madaxweynaha Uganda Yoweri Kaguta Museveni, xilli ay socdaan diyaar-garowga shir madaxeedka dalalka taageera howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM). Kulanka labada hoggaamiye ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka soo jireenka...
Madaxweynaha  Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta uddoomiyey shirka Golaha Wasiirrada, kaas oo diiradda lagu saaray xaaladda amniga dalka, geeddi-socodka doorashooyinka madaxa-bannaan iyo horumarinta hannaanka dimuqraadiyadda. Shirka ayaa lagu soo bandhigay warbixinno ku saabsan howlgalladii ugu dambeeyay ee Ciidanka Qalabka Sida Soomaaliyeed, iyadoo dowladda sheegtay in ciidamada ay guulo ka...
Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Maxamed Cabdirisaaq, ayaa sheegay in Xisbiga Nabad iyo Nolol uu si cad uga soo horjeedo soo jeedinno ku baaqaya in dalka dib loogu celiyo nidaamka ku-meel-gaarka ah, isagoo ku tilmaamay arrintaas mid aan ku dhisnayn aragti fog oo wax ka tari karta xaaladda...
Doorashadii qof iyo cod ee ugu horreysay ee heer deegaan ee dowlad goboleedka Galmudug ayaa maanta si rasmi ah uga bilaabatay dhammaan degmooyinka loo asteeyay in ay ka dhacdo, iyadoo guddiga doorashooyinka uu sheegay in goobaha codbixintu si buuxda u furmeen. Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka, Cabdikarin Axmed Xasan, ayaa si...
  WAR-SAXAAFADEED Urur Siyaasadeedka Dadka Soomaaliyeed Gudiga Fulinta ee Urur Siyaasadeedka Dadka Soomaaliyeed ayaa kulan ku yeeshay aaladda fogaan-aragga, kaas oo uu shir-guddoominayey Guddoomiyaha Ururka, Cali Maxamed Nuux (Timajilic). Kulanka ayaa diiradda lagu saaray warqadaha iyo qoraallada ay dibadda u dirayaan kooxda isku magacawday Golaha Mustaqbalka Soomaaliya. Dood iyo falanqayn kaddib, waxaa kulanka...
Dowladda Soomaaliya ayaa si adag u cambaareysay xadgudubkii ugu dambeeyay ee ka dhacay Masjidka Barakeysan ee Al-Aqsa, kaas oo ay sheegtay inuu hoggaaminayay sarkaal Israa’iili ah oo ay weheliyeen kooxo xagjir ah. Dowladda ayaa falkaasi ku tilmaantay mid dhaawacaya xurmada goobta saddexaad ee ugu barakaysan Islaamka, isla markaana gef weyn...
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay si rasmi ah uga falcelisay warqaddii uu Isbaheysiga Golaha Mustaqbalka Soomaaliya u diray madaxda dalalka ciidamada ka jooga Soomaaliya, ka hor shirka Kampala ee looga arrinsanayo mustaqbalka Hawlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM). Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska,...