Xiisad Aad u Kulul oo ka Dhex Qaraxday Turkiga iyo Isra’iil Kadib Markii Israa’iil Hawada Ka Duqeysay Saldhig Turkigu ku lahaa Syria.

0
4

Xiisad cusub oo colaadeed ayaa ka dhex qaraxday Israa’iil iyo Turkiga kadib markii diyaaradaha dagaalka Israa’iil ay duqeeyeen saldhigga milatari ee Abu al-Duhur ee gobolka Idlib, waqooyi-galbeed Suuriya. Israa’iil ayaa sheegtay in saldhigga loo diyaarinayay in lagu dejiyo ciidamo Turki ah, taas oo ay u aragto khatar amni.

Israa’iil ayaa qaaday sideed duqaymood oo lagu badhtilmaameedsaday dhabaha diyaaradaha iyo dhismayaasha saldhigga, iyadoo aan la soo sheegin khasaaro nafeed. Inkastoo Israa’iil ay sheegtay in ujeeddadu ahayd in laga hortago joogitaan milatari oo Turkigu ka samaysato saldhigga, Ankara ayaa si cad u diiday in ciidamo Turki ah ay halkaas joogeen ama ay qorsheynayeen inay saldhig ka sameystaan.

Turkiga ayaa si kulul uga jawaabay weerarka, isagoo ku tilmaantay tallaabada Israa’iil mid qayral masuulnimo ah oo halis ku ah madax-bannaanida Suuriya. Ankara waxay sheegtay inay sii wadi doonto taageerada ay siiso dowladda Suuriya, gaar ahaan dhismaha iyo tababarka ciidamada dalkaas. Dowladda Suuriya ayaa iyaduna sheegtay in saraakiil Turki ah ay hore u booqdeen saldhigga, balse ay ahayd qayb ka mid ah iskaashi dhinaca tababarka iyo khibrad-isweydaarsiga ah, ayna jirin qorshe saldhig Turki ah oo joogto ah.

Arrintan ayaa sare u qaaday khatarta ah in tartanka labada dal ee Suuriya uu isu beddelo iska horimaad milatari oo toos ah. Turkigu wuxuu xubin ka yahay NATO, halka Israa’iil ay tahay xulafo muhiim ah oo Maraykanku leeyahay. Safiirka Maraykanka ee Turkiga, Tom Barrack, ayaa sheegay in weerarka uu ahaa tallaabo khatar ah oo xaaladda sii kicin karta, isagoo xusay in Turkiga aan horay loogu sii wargelin duqaynta.

Xiisaddu waxay kusoo beegmaysaa xilli Ankara ay si weyn u kordhisay iskaashiga milatari ee ay la leedahay Dimishiq. Turkiga ayaa tababar iyo taageero siiya ciidamada Suuriya, halka Israa’iil ay ka cabsi qabto in dowladda cusub ee Suuriya ay yeelato awood ciidan oo xoog leh iyadoo taageero ka helaysa Turkiga. Sidaas darteed, weerarka Abu al-Duhur waxaa loo arki karaa fariin ay Israa’iil u dirtay Dimishiq iyo Ankara oo ah in ayna aqbalayn joogitaan milatari oo Turki ah oo ay u aragto inuu khatar ku yahay amnigeeda.

Dhanka kale, Israa’iil ayaa digniin adag u dirtay Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan, iyadoo Wasiirka Difaaca Israa’iil Israel Katz uu sheegay in dalkiisu aanu oggolaan doonin cid khatar ku noqota amnigiisa. Turkiga ayaa isaguna ku adkaysanaya inuu difaaci doono madax-bannaanida Suuriya, taas oo muujinaysa in labada dhinac ay hadda si toos ah ugu loollamayaan mustaqbalka siyaasadeed iyo milatari ee Suuriya.