Ugu yaraan Shan ruux oo xoogagga Al-shabaab ka mid ah, ayaa la sheegay in lagu dilay duqeyn ay diyaarado Helicopter-ro ah ka geysteen Deegaanka Furuqley oo qiyaastii 25-km dhinaca Waqooyi kaga beegan Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellada Hoose.
Duqeyntaan oo dhacday shalay oo Jimco ahayd, ayaa lagu beegsaday Goob ay qaar...
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Dagaal xoog leh oo deegaan hoos-taga degmada Buula-burte ku dhex-maray ciidamada DF Somalia, AMISOM iyo Xoogagga Al-shabaab.
Xiriir aan la sameynay ilo wareediyo kala duwan oo ku sugan degmada Buula-burte, ayaa inoo sheegay in lix ruux ay ku dhinteen dagaalka kaddib markii Al-shabaab ay...
Munaasabad lagu qabtay Muqdisho ayaa looga dhawaaqay Maanta Ururka Dhalliyarada Coomaad (Comad Youth Association) CYA, Waxaana goob-joog ka ahaa xafladda, Siyaasiyiin, Ganacsato, Haween, Aqoon-yahano, Dhallinyaro, Wax-garada, Qaybaha Bulshada, Mas’uuliyiinta Ururrada dhallinyarada iyo Marti-sharaf kale.
Intii Munaasabaddu billaaban - ayaa waxaa Tartan loo galay Hoggaanka Ururka, Waxaana Xilka Guddoomiyaha ku Tatamay; Laba...
Wafdi ka socday Qaybta Millateriga iyo Rayidka ee Hawl-galka Ciidamada Midowga Afrika ee Soomaaliya iyo Hay’adda UNOCHA ee Qaramada Midoobay oo doraad safar ku tagay Magaalada Baladweyne ee gobolka Hiiraan, ayaa Maamulka Gobolkaas kala hadlay xoojinta wada-shaqeynta shacabka iyo ciidamada si loo adkeeyo ammaanka iyo kalsoonida shacabka.
Guddoomiye ku...
Heshiiskii ay Midowga Yurub iyo Xukuumadda Turkiga dhawaan kala saxiixdeen ee ku saabsanaa hakinta qul-qulka Qoxootiga galaya Yurub ayaa burbur ku dhaw, kaddib markii Midowga Yurub uu shuruudo ku xireen codsigii Turkiga ee ahaa inay Muwaadiniinteedu Yurub galaan iyagoo aan wadan wax dal-ku-gal ama Viso ah.
Ururka Midowga Yurub ayaa...
Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay in go'aankii ay ku dhawaaqday Dowladda Kenya ee ay ku xirayso xeryaha Qoxootiga Dhadhaab iyo Kakuma uu sii krodhin karo amni-darrada iyo falalka Argagaxisada, Iyadoo Kenya ay sheegtay inay xeryahaas oo ay ku jiraan Soomaali fara badan dabayaaqada Sannadkaan lagu jiro ee 2016-ka.
War-saxaafadeed ay soo...
Dagaal culus oo u dhexeeya ciidanka dowladda Somalia iyo Xoogagga Al-shabaab ayaa xilligaan ka socda tuulooyin ku yaalla duuleedka Degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada Hoose.
Wararka ayaa sheegaya in dagaalka uu Qarxay markii ciidamada dowladda Somalia oo ay wehlinayeen kuwa AMISOM ay weerareen tuulooyinka oo ay Al-shabaab ka taliso, uuna...
Murashax Donald Trump oo ah musharraxa ugu cad-cad Murashaxiinta Xisbiga Jamhuuriga ee Dalka Mareykanka, ayaa Dabacsanaan u Muujiyay muslimiinta, isagoo wax ka bedelay moqfikii uu markii hore ka taagnaa dadka Muslimiinta ah ee galaya dalka Mareykanka.
Trump ayaa horay u jeediyay hadal muran weyn dhaliyay, kaasoo ahaa in laga joojiyo...
Ciidamada Soomaaliya ee Somali National Army (SNA) ayaa shalay yeeshay shir looga hadlayay ammaanka kaasoo ay la qaateen koox dawlada Kenya u qaabilsan arimaha ammaanka.
Waxaa sidoo kale ciidanka Soomaaliya ee SNA uu ku wareejiyay hub laga helay Balad Xaawo Talaadadii kaasoo markii hore laga soo xaday ama laga soo...
Xoghayaha Arrimaha Dibedda Maraykanka, John Kerry ayaa sheegay inuu aad uga walaacsan yahay Go’aanka Dowladda Kenya ay ku doonayso in ay ku xirto xeryaha Qoxootiga Dhadhaab, ayna uga joojisay gabi ahaan hawlihii ay hayeen hay’adaha caawiya Qoxootiga.
Kerry ayaa sheegay inuu ugu baaqay Dowladda Kenya inay sii waddo Doorkeedii dheeraa...

















