Waxaa mar kale maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho doorashada xubnaha aqalka hoose ee gobolka W/qooyi oo todobaadyadii ugu danbeeyayka socday xarunta gadiidka booliiska ee gobolka Banaadir.
Doorashadii maanta ayaa waxaa ku guuleysatay afar xildhibaan oo ka mid noqonaya Aqalka hoose ee beerlamaanka federaalka , waxaana Xildhibaanada la doortay labo ka...
Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale, ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in gobolka Banaadir aan marnaba lagu soo darin xubnaha lagu kordhiyay aqalka sare.
Duqa Muqdisho oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in wali maqaamka gobolka Banaadir maqan yahay, xili dowlad gobolleedyada...
Kooxo ku hubaysan baastoolado ayaa maanta barqadii ku toogtay magaalada Bosaaso xeer-ilaaliyahii maxkamadda ciidamada Puntland Cabdikariin Xasan Firdhiye Hoori ,kaasi oo ku sugnaa meel aan wax badan ka fogayn Hotel Bootaan.
Mas’uulkan ayaa la sheegay in dhowr xabad looga dhuftay shafka iyo madaxa ka hor intii aysan goobta ka baxsan...
Ururka Peace and Awareness Youth Group -PAY ayaa maanta qabtay xafladii gabagabada koorasyo soo socday bishaan Diseembar oo dhan.
Koorasyadaa ayaa soo bilowday bishaan 8deedii waxaana lagu qabtay meelo badan oo xaafada Islii ah.
Islii waa xaafad Soomaali badan oo kutaal caasimada Kenya ee Nairobi. Waxaa kasoo qeyb galay seminaarkaa oo...
Hogamiyayaasha madasha-wada-tashiga Qaran ayaa war-murtiyeed ay ka soo saareen shirkii ugu dheeraa oo ay ku yeesheen magaalada Muqdisho qodobada ku jira waxaa ka mid ah xubno dheeraad ah oo lagu kordhiyay aqalka sare oo markii hore ka koobnaa 54 mudne, laakiin hadda noqonaya 72 xildhibaan, kaddib markii lagu kordhiyay...
Dawlada Soomaaliya ayaa ku goodisay in ay mar kale xayiraad kusoo rogi doonto qaadka Soomaaliya uga yimaada Kenya.
Arinkaa ayaa imaanaya ayadoo dawlada Kenya aysan dhawrin qodobadii heshiis lagu doonayay in diyaaradaha min Soomaaliya ilaa Nairobi ay toos u yimaadaan.
Haatan waxaa lagu hakiyaa dhammaan diyaaradaha ka yimaada Soomaaliya garoonka Wajeer....
Madasha hogaamiyayaasha madasha-wadda-tashiga Qaran (MHQ) oo todobaadyadii ugu danbeeyayba ka socday magaalada Muqdisho ayaa ugu danbeyntii laga soo saaray war-murtiyeed ka kooban dhowr qodob.
WAR-murtiyeedkan ayaa waxaa ka mid ah in 18 xubnood lagu kordhiyo Aqalka Sare, iyadoo maamul walba la siiyay min saddex xubnood.
Hadaba war mutiyeedka Madasha ka soo...
Haweenka Soomaaliyeed oo shir ballaaran ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa waxay uga soo horjeesteen kuraas ay dumarka lahaayeen oo maamul goboleedyada rag ka siiyeen, waxayna arrintaas ku tilmaameen mid caddaalad darro ah oo aaney aqbali karin.
Guddoomiyaha Ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed Batuulo Shiikh Axmed Gaballe oo dadkii ka hadlay shirka...
Taliyaha ciidamada booliska Somalia Maxamed Xasan Xaamud ayaa meel-fagaare ah ka sheegay in xubnaha booliska kaga jira labada aqal ee hoose iyo kan sare ee Somalia ay codadkooda u hibayn doonaan madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday ee Xasan Sheikh Maxamuud.
Tani ayaa dhanka kale muujinaysa in Booliska Soomaaliyeed oo u xil-saarnaa ilaalinta...
Golaha amniga ee QM ayaa wuxuu meel mariyay qaraar ku baaqaya in la joojiyo deegaameynta sharcidarada ah ee Israa;iil ay ka wado dhulka Falastiin.
Codeynta ayaa dhacday ka dib markii Mareykanka uu diiday inuu u adeegsado codka qayaxan ee Veto.
Qabyo qoraalka oo ay soo diyaarisay Masar ayaa dib loo celiyay...

















