Saturday, September 5, 2026
Raisulwasaaraha Soomaaliya Xasan Khayre ayaa maanta la kulmay safiirka Dowladda Ingiriiska u jooga Soomaaliya Divid Concar. Labada dhinaca waxaa ay ka wada hadleen xiriirka Diplomaasiyadeed ee labada dowladood, sida Khayre uu sheegay. Mudane, Xasan Cali Khayre, ayaa la kulmay David Concar, maalin ka dib markii loo magacaabay Raisalwasaaraha cusub ee Soomaaliya. Dowladda...
Tuulo lagu magacaabo Keyn ooman oo qiyaastii 38Km u jirta deegaanka Godinlabe ee Gobolka Galgduud ee Soomaaliya, waxaa Gaajo iyo Haraad ugu geeryooday Aabe iyo laba carruur ah oo uu dhalay. Ugu yaraan 11 ruux ayaa todobaadkaan Gaajo iyo Haraad ugu geeryooday deegaanka, sida uu sheegay Ugaas Salaad Ugaas Maxamed...
Ugu yaraan saddex ruux oo la sheegay in ay Miino ku aasayeen dhulka ayaa geeryooday, kadib markii ay ku qaraxday miinadii ay aasayeen. Dhacdadaan waxaa ay ka dhacay Deegaanka Biyo Cade ee Gobolka Shabeelaha Dhexe, sida goob-joogayaal ay shegeen. Dadka degaanka waxaa ay shegeen in saddexda ruux meydkooda lagu arkay deeganka...
Guddoomiyihii hore ee guddiga doorashada Kenya Axmed Isxaaq Xassan ayaa la-taliye dhanka doorashooyinka ah ka noqday Soomaaliya. 20kii bishii hore ayuu xilka guddoomiye cusub ku wareejiyay waa xilkiisii guddoomiye ee uu ka hayay guddiga doorashooyinka ee IEBC. Jimcaha maanta ah ayaa wararku nagu soo gaarayaan inuu ka dagay Muqdisho halkaa...
Dawladda Itoobiya ayaa Somaliland ku wareejiyey 18 baabuur oo nooca isjiidka ah oo caawimo loogu tallogalay dadka abaaruhu saameeyeen ee ku dhaqan bariga Somaliland. Raashinkan ayaa ka koobnaa 72 kun oo tan, waxaanay sheegtay inay Itoobiya inay kala qaybqaadanayso gurmadka loogu jiro dadka abaaruhu waxyeeleeyeen ee ku dhaqan Somaliland. Raashinkan ayaa...
Ilhaan Cumar, gabadha ah xildhibaanada maxaliga ah ee golaha Minnesota ayaa farriin u dirtay Trump. Ilhaan ayaa sheegtay in awaamiirta Donald Trump ee qallafsan aysan Soomaalidu la dhuudhuuman doonin dartood. Waxay intaa raacisay inay ku dadaali doonaan sidii ay u xallin lahaayeen dhibaatada ku heysata dal weynaha Mareykanka gudihiisa. Waxay Ilhaan Cumar...
-Raisul wasaaraha Qatar ahna wasiirka arimaha gudaha ee dalkaa Sheekh Cabdullaahi bin Naasir bin Khaliifa al-Thani ayaa hambalyo u soo diray raisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya Xassan Cali Kheyre xilka loo magacaabay shalay awgii. Dawlada Qatar ayaa sidoo kale ergay usoo dirtay xafladii caleemo saarka ee dhawaan lagu caleemo saaray...
Xasan Cali Khayre, ayaa loo magacaabay Raisalwasaaraha cusub ee Soomaaliya. Waxaa uu kusoo nolol-qaatay dalka dibadiisa gaar ahaan dalalka Norway iyo Ingiriis-ka. Waxaana uu heysta dhalashada dalka Norway. Raisalwasaaraha cusub, waxaa uu kasoo shaqeeyay, samafalka, cilmibaarista iyo ganacsiga. Taariiqdiisa:- Xasan Cali Khayre, waxaa uu ku dhashay dalka Soomaaliya sanadkii 1967-dii. Waxaa uu waxbarashadiisa...
Ilaa saddex ruux oo ka tirsanaa shaqaallaha hay’adda Save the Children iyo darawalkii gaariga u waday ayaa maanta laga afduubtay deegaan lagu magacaabo Xujuub oo qiyaastii 10 KM dhinaca koonfur bari ka xiga magaalada Baledweyne. Shaqaalaha la afduubtay oo dhamaantood Soomaali ahaa ayaan la ogeyn cid dhab ahaan la ogeyn...
Dawlada dalka Ingiriiska ayaa ugu yaboohday qarash dheeraad ah dalalka Soomaaliya iyo Koofur Suudaan. Dalalka Soomaaliya iyo Koofur Suudaan ayaa iminka waxaa ka jira abaaro ba'an kuwaasoo dadka iyo duunyadaba faro kulul ku haya. Qeybo ka tirsan Koofur Suudaan ayaa durbo macaluul iyo majaaco badan laga soo tebinayaa. Soomaaliya ayaa sidoo kale...