Madaxweynaha Maraykanka ayaa sheegay in uu ka baaqan doono shirka la qorsheeyay ee dhexmari doono isaga iyo hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi haddii uusan u arag in ay natiijo kasoo baxayso.
Trump ayaa ka hadlayay shir jaraa'id oo ay si wadajir ah u qabteen isaga iyo Ra'isulwasaaraha Japan Shinzo Abe.
Mar sii horeysay...
Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa bilaabey howlgal lagu xaqiijinayo Amniga waddada isku xirtay magaalooyinka Balcad iyo Jowhar oo waayadii ugu danbeeyay ay ku soo badanayeen weerarro halkaa ay ka geysanayaan Al-shabaab.
Col Cali Calasow taliyah ciidamada xoogga dalka qeybta ka howlgalka gobolka Shabeelaha Dhexe oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in...
Hay’adda u dooda xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch ayaa waxaa ay soo saartay qoraal ay kaga hadashay tacadiga Qaxootiga Magangelyo-doonka ah loogu geysto dalka Yemen.
Human Rights Watch waxaa si gaar ah u xustay in ciiddanka Yemen oo ay Dowladda Imaaraadka ay tababartay xadgudub baahsan oo ay u geystaan...
Wafdi ka socday bangiga Adduunka, wasaaradaha qorsheynta iyo howlaha guud ee dowladda Soomaaliya oo shalay gelinkii danbe soo gaaray magaalada Kismaayo ayaa waxaa ay kulamo la lahaayeen madaxda Jubbaland, ayadoo kulamadaasi diiradda lagu saarayay mashaariic horumarineed oo laga fulin doono magaalada Kismaayo.
Wafdiga ayaa kulamo la qaatay Wasiiradda wasaaradaha Howlaha...
Danjiraha midowga Africa u fadhiya Soomaaliya ayaa Isniintii ku dhawaaqay dadaaalo adag oo la doonayo in looga hortago qatarta wax-yaabaha qarxa ee ku wajahan ciidamadda amaanka iyo shacabka Somaaliyeed intaba.
Francisco Madeira, madaxa howlgalka AMISOM ayaa ka sheegay furitaanka shirkii Afraad ee Labo sanadle ah oo looga hadlo ka hortagga...
Xukuumada Qadar ayaa maanta Gaadiid ku wareejisay maamulka gobolka Banaadir si loo dardargeliso howlaha ka socda dowladda Hoose ee Xamar.
Madax ka socotay Gobolka Banaadir iyo dowladda Qadar ayaa Gaadiidkaan Basaska ah ku kala wareegay gudaha Dekadda weyn ee magaalada Muqdisho.
Tiradda Gaadiidkaan ayaa gaaraysa 30 Basas kuwa waaweyn ee dheereeye...
Sida lagu shaaciyay qaar ka mid ah warbaahinta dowladda Israel ayaa ka sii deysay xabsi ku yaala magaalada Saxaronim ee Koonfurta Israel shalay oo Isniin aheyd 200 oo Muhaarijiin ah, kuwaasi oo ka soo kala jeeda qaarada Africa.
Dadkan la sii daayay ayaa waxa ay isugu jiraan Rag iyo Dumar...
Maxkamad ku taallo Magaalada Miami ee gobolka Florida, ayaa 27-ka bishaan April lagu wadaa iney go’aan ka gaarto 52 maxaabiis Soomaaliyeed ah oo ku xiran labo xabsi oo ku yaallo magaaladaas.
Maxaabiistaan go’aan ka laga gaaraayo oo horay oga tirsanaa 92 maxbuus oo bishii December ee sannadkii horay laga dhoofiyay...
Taliska ciidamada militariga dowladda Soomaaliya ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay warar saacadihii ugu danbeeyay soo baxayay oo sheegaya in ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya boobeen agabkii yaala dugsiga Jen Gordan oo ay maamulaan Imaaaraadku.
Wararka lagu baahiyay qaar ka mid ah warbaahinta ayaa lagu sheegay in ciidamo ka tirsan...
Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa u muuqata mid gabi ahaanba soo afjareysa xiriirkii dhinacyada badnaa ee kala dhaxeeya Soomaaliya, iyadoo gabi ahaanba joojisay taageeradii Militari iyo bulsho oo ay ka waday Soomaaliya.
Adeegyada la joojiyay ayaa waxaa ka mid ah howlihii Isbitaalka Sheekh Saayid oo ay taageerto dawladda Imaaraadka Carabta, kaddib...

















