Tuesday, September 1, 2026
Boqortooyada Saudi Arabia ayaa sheegtay in fureyso xuduuda dhulka ee ay la wadaagto Qatar si ay halkaa uga soo gudbaan dadka u dhashay dalkaas ee soo xajinaya. Sidda lagu daabacay wakaallada wararka u faafisa Boqortooyada xuduuda Salwa ayaa loo furi doonaa muwaadiniinta Qatar ee doonaya in ay sanadkan soo gutaan...
Hay’adda FBI-da ee dambi-baarista Maraykanka ayaa ku dhawaaqday abaalmarin lacageed oo dhan $ 30 kun oo dollar oo la siin doono cidii soo sheegta dadkii ka dambeeyey weerarkii qaraxa ahaa ee loo gaystay masaajidka Daaru Faaruuq ee magaalada Bloomington ee gobolka Minnesota. Weerarkaas ayaa dhacay Labo todobaad ka hor, ilaa...
Mid ka mid ah maxaabiista Soomaaliyeed ku xiran dalka India ayaa lagu waramayaa in uu ku dhintay xabsigii uu ku jiray kaddib xanuunka sokorta oo muddo dheer hayay. Wiilka dhalinyarada ah ee geeriyooday ayaa magaciisa lagu sheegay Atoor Bashiir Barre oo la sheegay in muddo dheer uu la xanuusanayay cudurka...
                    Qiyaastii 11 qof oo ganacsato Soomaali ah ayaa 20-kii maalmood ee lasoo dhaafay waxaa siyaabooyin kala duwan loogu dilay dalka Koonfur-Africa, sida ay sheegayaan ganacsatada Soomaalidda ee dalkaasi ku ganacsada. Ganacsatada la dilay ayaa waxaa ay goobo ganacsi ku-kala lahaan jireen deegaanno ka kala tirsan goballada Limpopo, Gueteng , Kwazunatala...
                        Danjiraha Midowga Yurub ee Soomaaliya Veronique Lorenzo, oo shalay kulan la qaadatay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayrre, ayaa sheegtay in 2 million oo dollar ay ku bixinayaan shaqa abuurka 1,000 qof oo dhallinyaro Soomaali ah. Md. Khayre, ayaa soo dhoweeyay hindisaha Midowga Yurub ee shaqaalleysiinta dhallinyaradda. R/wasaare...
                    Ugu yaraan 27 qof oo rayid ah ayaa la xaqiijiyay in ay ku geeryoodeen duqeymo dhanka cirka ah oo magaalladda Raqqa ee dalka Suuriya lagu garaacay. Weerarka ayaa la sheegay in ay geysteen isbahaysiga uu Mareykanku hoggaaminayo. Hay`adda xuquuqda aadanaha Siiriya ee fadhigeedu yahay dalka Britain ayaa sheegtay in dadku ay...
                      Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka tacsiyeeyey geeridii ku timid Dr. Cabdiraxmaan Jaamac Barre oo habeen hore ku geeriyooday Magaalladda San Diego ee dalka Maraykanka. Madaxweynaha ayaa ku tilmaamay Marxuum Cabdiraxmaan diblumaasi ruug cadaa ah oo daadaal iyo wakhti dheer galiyey kobcinta xiriirka Soomaaliya ay la...
Xildhibaanno tirsan maamulka Hirshabeelle oo maanta ku shiray magaalada Jowhar ayaa sheegay in ay kalsoonidii kala noqdeen madaxweyne ku-xigeenka maamulka Cali Cabdullaahi Xusseen Cali Guudlaawe. Maxamed Cabdullaahi Digaale oo ka mid ah guddoon ay xalay doorteen xildhibaannadan ayaa sheegay in kulan ay yeesheen sida uu hadalka u dhigay 69 xildhibaan...
Taliyaha Ciidamada Difaaca dalka Uganda (UPDF) General David Muhoozi, ayaa Talaadadii shalay booqasho rasmi ah ku yimid Magaalladda Muqdishu. Ujeedka booqashadiisa ayaa lagu sheegay qiimeynta howlgalka ka socda dalka Soomaaliya. Sidoo kale booqashadiisa ayaa waxaa ay tahay tii ugu horreysay tan iyo markii loo magacaabay Taliyaha Ciidamada Difaaca Dalka Uganda. Inta...
  Cabashooyin faro badan ayaa ka soo yeedhay habsami socodka shaqo ee dekadda Berbera tan iyo intii ay la wareegtay shirkadda carbeed ee DP world. Ganacsatadda wadaniga iyo macaamiisha isticmaasha ee dalka Itoobiya ee alaabta kala soo dega dekadda Berbera ayaa dhibaatooyin ka tirsanaya qaabka shaqo ee shirkaddaasi wax u maamusho,...