Guddoomiye ku-xigeenka dhanka amniga ee gobolka Gedo Cismaan Nuur Xaaji ayaa sheegay mid kamid ah Taliyeyaasha Howlgelinta Al-shabaab ee Gedo in uu isku soo dhiibay ciidanka dowladda.
Sarkaalka isasoo dhiibay ayuu magiciisu ku sheegay Cali Xuseen.
“Waxaa jiray howlgallo amniga lagu xaqiijinayo oo ay wadaan ciidanka dowladda, kuwaas oo sidoo kalena...
Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya oo shalay yeeshay kulankoodii caadiga ahaa ayaa waxaa shir-guddoominayay Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Mudane Xasan Cali Kheyre.
Shirka ayaa intii uu socday waxaa looga hadlay ansixinta Sharciga Istaatistikada, laguna qeybiyey shuruucda Dambiyada Jinsiga iyo kan Ururada Aan dowliga aheyn, isla markaasna looga hadlay arrimaha Amniga,...
Qaramada Midoobey ayaa ku baaqday in si ku-meel gaar ah loo hakiyo dagaalka ka dhanka ah kooxda Daacish ee ka socda magaalladda Raqqa ee dalka Suuriya.
Ujeedka loo hakinayo dagaalka ayey QM ku sheegtay sidii dadka rayidka ah loogu oggolaan lahaa inay halkaasi isaga cararaan maadaama dagaalka uu sii xoogeysanayo.
Qiyaas...
Dagaalyahanno ka tirsan Al Shabaab ayaa xalay weerar ballaaran ku qaaday fariisin ciidamada dowladda ay ku leeyihiin degaanka Qaansheeg oo ku yaalla duleedka degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe, sidad dadka deegaanka ay sheegeen.
Al shabaab ayaa dhankooda sheegtay in weerarka ay ku dileen saddex askari, balse ma jirto war...
Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo ra’iisal wasaare Xassan Cali Kheyre ayaa kulan la yeeshay ku-xigeenka xog-hayaha QM ee dhinaca siyaasada Jeffrey D. Feltman oo maanta Muqdisho.
Kulanka mas’uuliyiinta sare ee dowladda iyo Jeffrey D Feltman waxaa looga hadlay xaalada Soomaaliya dhinacyada siyaasada, amniga, dhaqaalaha, dastuurka, iyo xiriirka dowlad...
Wadahadal dhexdhexaadin ah oo labadii maalmood ee u danbeeyey ka soconayey magaalada Buuhoodle ayaa laga soo saaray qodobo labada dhinac ee dirrirtu dhexmartay ay ku heshiiyeen.
Guddi dhexdhexaad ah oo ka kala yimi degaano badan ayaa hawshan u fududeeyey in 30 xubnood oo labada dhinac ah ay wadaxaajood isu soo...
Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland ee Soomaaliya Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta si rasmi ah xariga uga jaray Maxjarka Xanaanada Xoolaha ee Jubba kaasoo laga hir-galiyay duleedka magaalada Kismaayo.
Wasiirka Xanaannada Xoolaha Jubbaland Mudane Maxamed Nuur Buule, maamulka Maxjarka Odayaal dhaqan iyo qaybaha kala duwan ee Bulshada ayaa kasoo qayb...
Iyadoo dowladda federaalka Soomaaliya dhawaan go’aan ka qaadatay xiisadii siyaasadeed ee khilaafkii soo kala dhaxgalay maamulka Hirshabeelle, kuna baaqay in la qabto doorasho madaxweyne’’ ayaa waxaa arintaa ka soo horjeestay odayaal iyo waxgarad ka soo jeeda beesha Xawaadle.
Odayaashan oo ku shiray Beledweyne ayaa sheegay in mowqifka gobolka Hiiraan ee...
Ku-xigeenka xog-hayaha guud ee QM dhinaca siyaasada Jeffrey Feltman ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho, waxaana uu kulamo la qaadanayaa madaxda dowladda.
Waxaa lagu wadaa in mas’uuliyiinta dowladda iyo ku-xigeenka xog-hayaha QM ka wada hadlaan arrimaha siyaasada, horumaradii la sameeyay iyo waxyaabaha hor-yaala sida dib u eegista dastuurka iyo sidii...
Safiirkii Ruushka ee dalka Suudan Mirgayas Shirinskiy ayaa meydkiis laga helay barkada dabaasha ee qolkiisa magaalada Khartuum ee dalka Suudaan maalintii Arbacada shalay, sida ay sheegeen saraakiisha booliiska.
Saraakiisha ayaa sheegay in markii ay arkeen arintan si deg deg ah goobta u soo gaareen dhaqaatiir caafimaad, kuwaa oo baaritaanno ku...

















