Taliyaha hay’adda Nabad-sugida Qaranka Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe ayaa markii ugu horeysay si dadban uga jawaabay su’aal aheyd waxa ay dowladda ka og-tahay sarkaal ka tirsanaa jabhada ONLF oo la sheegay in dowladda Soomaaliya u gacan galisay Itoobiya.
Su’aashan oo aheyd mid la weydiiyay ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Xassan Cali Kheyre...
Malaayiin Xujey Muslimiin ah oo sanadkan gudaneysa Waajibaadka Xajka ayaa maanta taagan Banka Carafo, iyaga oo soo gudatay Acmaal kala duwan oo ka mid ah Arkaanta Xajka.
Maanta oo ah Sagaalka Dulxaj, waxay Xujeydu taagan yihiin Buurta Carafo, halkaasoo ay ku duceysanayaan, waxay joogi doonaan illaa gabal dhaca maanta.
Xujeyda ayaa...
Qiyaastii 3.1 milyan oo qof, oo u dhigma 25 boqolkiiba bulshada Soomaaliyeed ayaa la saadaalinayaa in ay wajihi doonto xaalladdo bani’aadanimo oo deg-deg ah.
Abaarta ayaa waxaa ay qasabtay in kala bar dadka Soomaaliyeed ay noqdaan kuwo ka barakacsan abaaraha, iyo kuwo kale oo ay cadurro ay soo wajaheen.
Nabadgelyo-xumo iyo...
Magaalada Muqdisho oo Maanta Tababar loogu soo xirey Xubno Ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.
30 xubnood oo ka tirsan ciidanka Booliska dowladda Soomaaliya ayaa maanta tababar loogu soo xiray Magaalladda Muqdisho, sida uu sheegay Taliyaha Hoggaanka Qorsheynta iyo Tababarada S/guuto Xasan Calasoow Maxamuud.
Askarta tababarka ka faa’iideysatay ayaa kala ahaa 5 sarkaal, 11 kormeer, 6 S/xigeen iyo 7 dablay ah. Saraakiisha Boliiska ayaa sheegay...
Ugu yaraan 25 qof ayaa ku dhaawacantay shil gaari oo maanta ka dhacay duleedka Magaalladda Jowhar ee xarunta Gobolka Shabeelada Dhexe.
Shilkan ayaa yimid kaddib markii ay isku dheceen laba gaari oo xamuul ah oo mid uu waday dad shacab ah halka kan kalena uu waday 100 neef oo ari...
Qiyaastii laba Million oo Muslimiin ah oo ka kala yimid Adduunka oo dhan ayaa maanta ku cibaadeysanaya buurta Carafat si ay u gutaan waajibka ugu weyn ee xajka.
Kumanaan Soomaali ah oo ka baxay dalka iyo dibbadiisa ayaa ka mid ah Muslimiinta gudaneysa waajibaadka xadka ee sanadkan.
Faa’iidooyinka ay leedahay Maalinta...
15-ka Xubnood ee Golaha Ammaanka ee QM ayaa xalay isku raacay in muddo 1-sanno ah lagu kordhiyo Hawlgalka Midowga Africa AMISOM ee ka socda dalka Soomaaliya.
Xilli-hawleedka ciidamada AMISOM, ayaa waxaa uu ku ekaan doonaa bisha May 31-da ee sannadka soo socda ee 2018.
15-ka Xubnood ee Golaha Ammaanka ee QM,...
Kulankan oo qeyb ka ah barnaamijka wacyigalinta bulshada ee loogu magacdaray “Samawade” waxa uu ahaa mid dadweynaha ku nool dagmada Yaaqshiid lagaga dalbanayay in amaanka degmada ay kala shaqeeyaan laamlaha amaanka, si looga guul gaaro ficiladda kooxaha argagixisada ee suurtagalka noqon karta in loo adeegsado bulshada kuwooda nugulka ah,...
Ciidamadda Dalka Ciraaq oo iska Caabin kala kulmey Magaalada Tal Cafar Xaalada magaaladu waa sidee?.
Ciidamada Ciraaq ayaa lagu soo waramayaa in ay la kulmayaan iska caabin adag oo kaga imanaysa dagaalyahanada kooxda Daacish oo ku jira magaalo yar kadib markii ay ka carareen magaalladda Tal Cafaar.
Mid ka mid ah saraakiisha u hadlay ciidada Ciraaq ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in dagaalka...
Kulan loogu magac daray “Maqal Dadkaaga”, oo uu soo qaban-qaabiyay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa xalay lagu qabtay Magaalladda Muqdisho.
Kulanka ayaa waxaa wariyaasha ay su’aallo ku weydiinayeen qaar kamid ah golaha Wasiiradda ee Xukuumadda Md. Xasan.
Xasan Cali Khayre, ayaa madasha kusoo bandhiga muuqaal soconayay...

















