Dadweyne u badan haween iyo carruur ayaa maanta banaanbax looga soo horjeedo ciidamadda AMSIOM, waxaa ay ka dhigayaan degmadda Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose.
Dibad-baxa ayaa yimid kaddib markii maalmo ka hor ciidamadda AMISOM degmadaasi ay ku toogteen wiil dhallinyaro ah oo madaxa looga jiray, kaas oo xalay u geeryooday...
Guddiga joogtada ee Golaha Shacabka oo shalay kulan ku yeeshay magaalladda Muqdisho, ayaa sheegay in kulanka Baarlamaanka ee maalinta berri ah ee taariikhda ay ku beegantahay 9/9/2017 looga hadli doono arrimo ay kamid yihiin go’aankii xukuumadda ay ka qaadatay arrinta Qalbi-Dhagax.
Xoghayaha Guud ee Golaha shacabka C/kariin Xaaji Cabdi (Buux),...
Wakaalladda Wararka ee dalka Suriya, ayaa sheegtay in diyaaradaha dagaalka ee maamulka Israel ay weerareen saldhig milatari oo ku yaalla meel u dhaw tuulada Misyaaf ee gobolka Xama' ee galbeedka dalka Suuriya.
Dowladda uu hoggaamiyo Bashaar Asad, ayaa eedeyn kala duldhacday maamulka Yahuuda.
Ciidanka Suuriya ayaa ku tilmaamay duqaynta Israel in...
Golaha Wasiirrada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa kulankoodii shalay waxaa ay ku ansixiyeen heshiiska isu-celinta maxaabiista dowladdaha India iyo Soomaaliya, waxaana heshiiska dhawaan loo gudbin doono Baarlamaanka.
Wasiirka Arrimaha Dibedda ayaa golaha soo hordhigay Heshiis ay Dowladdaha India iyo Soomaaliya kala saxiixdeeen ee isu-celinta maxaabiista, oo suurtogelin doona in maxaabiista...
Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa shalay la kulmay wafdi ka socday Bankiga adduunka oo ay hoggaaminayso haweeneyda ururkaasi u qaabilsan dalalka Somalia, Tanzania, Burundi iyo Malaawi Bella Bird.
Labada ayaa waxaa ay ka wada hadleen xoojinta iskaashiga ka dhexeeya hay'adaha dawladda iyo bangiga adduunka iyo...
Afhayeenka Ururka ONLF Cabdulqaadir Xassan Hirmooge Caddaani oo la hadlay VOA ayaa si kulul u weeraray go’aankii dowladda Soomaaliya ay ka qaadatay Ururka ONLF ee ahaa in Ururkaasi yahay mid Argagixiso.
Caddaani ayaa sheegay in warka ka soo baxay dowladda Soomaaliya u arkayaan in uu yahay mid ay dowladda Itoobiya...
Waxaa soo ifbaxaya khilaaf xoog leh oo ka dhashay Gabar dhowr cisho ka hor ciidamada dowladda ku toogteen deegaan lagu magacaabo Mooragaabey oo ka tirsan gobolka Bakool.
Maxamed Cabdi Tool oo ah guddoomiyaha gobolka Bakool ayaa sheegay in baaritaan dheer oo ay sameeyeen kaddib ku ogaadeen in si qalad ah...
Jaamacadda Benaadir ee magaalada Muqdisho ayaa soo kordhisay sanadkan kuliyad cusub oo lagu baranayo cilmiga Dawooyinka taasoo si rasmi ah uga mid noqotay kuliyadaha ay horey laheyd Jaamacadda, iyadoo kuliyaddan ay tahay tii ugu horeysay nooceeda ee abid laga hirgeliyo Soomaalia.
Seminaar ku saabsanaa aqoonta ay xambaarsan tahay kuliyadan cusub...
Dadka ku nool deegaanka Lamu ee dalka Kenya, ayaa waxaa lasoo deristay cabsi xooggan, kaddib markii Al-Shabaab Arbacadii lasoo dhaafay deegaanka Lamu ay ku gowraceen Afar qof.
Guddoomiyaha county-ga Lamu Gilbert Kitiyo ayaa sheegay in weerarku uu ka dhacay deegaanka Silini-Mashambani, halkaas oo saddex ka mid ah lagu dilay. Qofka...
Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa maanta howlgallo xooggan ka wada xaafaddo kamid ah degmadda Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose.
Howlgalka ayaa yimid kaddib markii shalay uu Qarax ka dhacay degmadaasi, sida laammaha ammaanka ee degmadaasi ay sheegeen.
Ciidanka ayaa baaraya gaadiidka dadweynaha, waxaana xaafadda qaar la sheegayaa in ciidamada ay qab-qabteen rag...

















